Maaliyad Wadajir ah: Wasiirka Maaliyadda oo Furay Kulanka Wada-tashiga Dadweynaha

Monday July 28, 2025 - 11:59:52
Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Cabdillaahi Xasan Aaden



Magaalada Burco waxay martigelisay madal muhiim ah oo uu ka salaysan isbeddel iyo horumar dhab ah oo ku wajahan hannaanka loo maamulo khayraadka qaranka. Madashan oo noqonaysa mid sannadle ah oo la xidhiidha Wadatashiga Dadweynaha iyo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa sannadkan lagu qabtay Jaamacadda Burco, wuxuu noqday tallaabo muuqata oo lagu xoojinayo hannaanka daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo wadajirka shacabka iyo dawladda.

Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, ayaa si rasmi ah u furay kulankan, isaga oo si cad u muujiyey sida ay wasaaradda uga go’an tahay in miisaaniyadda sanadlaha ah ee dalka laga dhigo mid si buuxda uga tarjumaysa aragtida, baahiyaha, iyo codka shacabka. Waxaa si mug leh looga dooday siyaasadaha dakhli-ururinta, maalgelinta adeegyada bulshada, iyo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka, iyada oo talooyinka iyo su’aalaha bulshada si toos ah loogu dhegaystay.

Dhaqan Maamul Cusub oo Ku Saleysan Codka Shacabka

Kulankan wuxuu la jaanqaaday qodobada ku xusan Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka (Xeer Lr. 75/2016), isaga oo si dhab ah u hirgelinaya fikradda ah in miisaaniyaddu aanay noqon kaliya dukumenti farsamo oo xafiis lagu diyaariyo, balse ay noqoto qorshe ay dadweynuhu ku leeyihiin saamayn dhab ah. Qodobkani waxa uu u taagan yahay heer bisayl ah oo xukuumaddu ka gaadhay daahfurnaan siyaasadeed iyo kalsoonida shacabka.

Doorashada Jaamacadda Burco inay noqoto xarunta martigelinaysa kulankan waxa ay xambaarsan tahay farriin weyn: in waxbarashada sare, aqoonta bulshada iyo maamulka dhaqaalaha ay yihiin tiirarka isbeddelka. Arday, ganacsato, madax goboleedyo iyo bulshada rayidka ah ayaa si toos ah uga qayb galay doodda, taasoo dhalisay is-dhexgal wax-ku-ool ah oo aan hore loogu arag meelo badan oo gobolka ah.

Aragti Fog oo Wadatashi Ku Dhisan

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in sannad kasta kulanka lagu qaban doono gobol cusub oo aan hore loogu qaban. Tallaabadan waxay muhiim u tahay sinnaanta fursadaha iyo in dhammaan bulshada Somaliland ay helaan meel ay kaga qayb-qaataan qaabaynta siyaasadda dhaqaalaha qaranka. Burco waxay ahayd bilow, laakiin waxa la rajaynayaa in sanadaha soo socda fursaddan ay helaan gobollada kale si loo xaqiijiyo in miisaaniyadda qaranku ka turjunto qaran loo dhan yahay.

Wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaradda waxay madasha Burco ku muujiyeen hannaan dawladeed oo cusub: taas oo ku salaysan in xukuumadda Somaliland ay tahay dawlad dhegeysanaysa, jawaab-celin bixinaysa, tallana qaadanaysa, isla markaana awoodda saaraysa wax-ka-qabashada walaacyada dadweynaha. Waxa si rasmi ah loo caddeeyey in talooyinka laga helay kulanka ay si dhab ah uga muuqan doonaan Odoroska Miisaaniyadda 2026-ka.

Dhaqan Dawladeed La Xisaabtan Ku Dhisan

Wargeyska Dawan waxa uu arkaa kulankan mid muujinaya aragti siyaasadeed oo dhab ah, kaas oo u qalma in lagu daydo, waa tallaabo ka horreysa nidaamyo badan oo dunida horumartay ah. Waxa ay sidoo kale tahay jawaab togan oo kor u qaadaysa kalsoonida shacabka iyo hufnaanta maamulka.

Gunaanad: Somaliland oo Hoggaan Maaliyadeed Casri ah Qaadaysa

Kulanka Burco wuxuu muujinayaa in Somaliland u socda waddo cusub oo dhanka maamulka iyo hannaanka maaliyadeed ah. Waa waddo ay hogaaminayaan dad leh aragti, mas’uuliyad, iyo karti ay ku kobciyaan dhaqaalaha dalka iyada oo la adeegsanayo codka shacabka. Tani ma aha oo kaliya arrin farsamo, ee waa dhaqan cusub oo dawladeed oo ku saleysan sinnaan, hufnaan, iyo wadashaqayn dhab ah.

     
Loading...