Wasiirka warfaafinta Somaliland oo la kulmay Madax ka socota hay'adda IOM

Tuesday August 12, 2025 - 14:38:18
hadhwanaagnews
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wacyigelinta


 Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socota hay’adda socdaalka Adduunka (IOM), si ay uga wadahadlaan iskaashi ka dhaxeeya labada dhinac.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, si looga hortago tahriibka.

Waxa kale oo laga hadlay baahida loo qabo in si firfircoon loo faafiyo xeerarka iyo siyaasadaha ka hortagga tahriibka, iyo in wartabinta khatarta ay leedahay safarka sharci darrada ah.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayay masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, halka dhinaca IOM ay hoggaaminaysay Ayaan Xasan, oo ah madaxa xafiiska IOM ee Hargeysa.

Gaba-gabadii labada dhinac waxay isla garteen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan dhammaan arrimihii lagaga dooday kulankaas.
     
Loading...