Djabouti, China iyo Soomaaliya oo Iska kaashanaya xagal daacinta Aqoonsiga Somaliland!

Wednesday August 13, 2025 - 09:52:11
hadhwanaagnews
Somalia ayaa iyana weli Dabo taagan Somaliland oo dhawr iyo sodon...

Dawladaha Soomaaliya iyo Djabouti oo kaashanaya Dalka Shiinaha ayaa la sheegay in ay wadaan qorshe lagu carqaladaynayo Aqoonsiga Somaliland oo ay hormuud u tahay Dawladda Maraykanku.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump oo meel Fagaare ah Markii Ugu horeysay lagu waydiiyay Qorshihiisa Aqoonsiga Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay Arrimahaasi ka shaqaynayaan.

Hadaba Dublamaasi u dhashay Dalka Maraykanka Oo La yidhaahdo Erik Durneika, ahna qoraa iyo Falanqeeye Arrimaha Siyaasada ayaa sheegay in Dawladaha Soomaaliya iyo Djabouti oo gacan ka helaya China ay ku hawlan yihiin wax Kasta oo liddi ku ah Aqoonsiga Somaliland in ay ku dhaqaaqaan "Somalia iyo Jabuuti waxay la shaqeynayaan Shiinaha si ay u wiiqaan Somaliland.

Shacabka Somaliland way iska caabin doonaan, laakiin aqoonsi la’aanta caalamiga ah waxay wadataa dhibaatooyin dheeraad ah” ayuu yidhi.

China Waxa uu la coloobay Soomaaliland, ka dib markii ay Hargeysa Iyo Taipei (Taiwan) ay heshiis ku gaadheen in ay yeeshaan xidhiidh.
Taiwan Waa dal ka go’ay China kuwaas oo Madax banaanidooda
Ku dhawaaqay 1912kii, halka Somaliland ay dib ugala soo noqotay Soomaaliya Madax banaanideeda 1991kii ka dib markii ay Dalka Ingiriiska Xornimadii ay ka qaadatay 1960 ay afar Maalmood ka dib ay isku biireen Soomaaliya oo iyana Talyaaniga ka qaadatay xorrnimada.

China Waxa uu ku eedeeyay Somaliland in ay faro gelin ku hayso dalkaasi, taas oo ay marar badan Somaliland Beenisay.

Somalia ayaa iyana weli Dabo taagan Somaliland oo dhawr iyo sodon sano gaarkeeda u taagnayd, hasayeeshee Waxa ay hada u muuqataa mid Samir weheshan doonta, maadaama ay Arrimuhu Intii hore ka culus yihiin, Somaliland iyo Shacabkeedana uu hadda u muuqdo aqoonsigii.

Djabouti ayaa iyana u aragta aqoonsi ay Somaliland heshaa in ay tahay quwad kale oo wiiqaysa Dalkaasi, maadaama aanay siyaasadiisa iyo dhaqaaluhuba aanay ahayn kuwo furfuran, balse ku kooban gacanta Qoyska Madaxweyne Geelle oo ku dhawaad sodon sano dalkaasi Madaxweyne ka ah.

Dawladda Maraykanka ayaa iyana Markan u aragta Somaliland in ay tahay meel ay aduunka Kala socon karto, kulana tartami karto China oo isna isku balaadhinaya Afrika.

Si Kastaba ha ahaatee saddexdan dal
Ayaa ah kuwo ay isu keentay cadaawada ay caloosha ugu hayaan Somaliland iyo shacabkeeda.
     
Loading...