xogbaahin.com
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland iyo Taliyaha Qaybta Galbeed ee Hargeysa ayaa saaka booqday Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka iyo ardayda wax ka barata dugsiga.
Saraakiisha ayaa intii ay booqashada ku jireen ardayda kula dardaarmay inay muhiimad gaar ah siiyaan barashada xirfadaha farsamada gacanta, iyaga oo xusay in xirfaduhu door muhiim ah ka qaadan karaan mustaqbalka dhalinyarada iyo horumarka bulshada.
Waxay saraakiishu ardayda ku boorriyeen inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho iyo tababar ee ay haystaan, isla markaana ay xoogga saaraan barashada xirfado wax-ku-ool ah oo mustaqbalka u horseedi kara shaqo-abuur iyo isku-filnaansho.
Booqashada ayaa qayb ka ahayd kulamada lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada, gaar ahaan ardayda, sidii ay u baran lahaayeen xirfado farsamo oo kaalin ka qaata kobcinta aqoontooda iyo ka qaybqaadashadooda horumarka bulshada.