Booliska oo ka Digay Khatarta Somaliland Kaga Iman Karta Kooxaha Argagixisada ah

Wednesday August 13, 2025 - 09:57:30
hadhwanaagnews
Taliyuhu waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay baahida degdegga



Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mirre, ayaa ka digay khatarta amni oo ka iman karta kooxaha argagixisada ah oo si weyn uga soo horjeeda aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland. Khadarkaasi ayuu taliyuhu ku sheegay in ay salka ku hayso dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay dawladda Maraykanka ee ku saabsanaa taageerada iyo aqoonsiga Somaliland.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mirre, oo la hadlay warbaahinta, ayaa iftiimiyay xaaladda cusub ee la xidhiidha amniga gudaha dalka. Waxa uu si cad u muujiyay suurto-galnimada khatar amni oo cusub oo kaga iman karta Jamhuuriyadda Somaliland kooxaha cadawga ku ah xasilloonida qaranka, gaar ahaan kooxaha argagixisada ah.

Taliyuhu waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay baahida degdegga ah ee loo qabo iskaashi buuxa oo dhexmara shacabka iyo hay’adaha amniga si looga hortago khatartaas, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidankia Booliska JSL, si loo sugo nabadgelyada guud ee dalka.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mirre waxa uu sheegay in khatartani ay si gaar ah salka ugu hayso ololaha caalamiga ah ee aqoonsiga Somaliland iyo hadalladii dhawaan ka soo yeedhay dowladda Maraykanka, kuwaas oo muujinaya taageerada siyaasadeed ee Maraykanku u hayo aqoonsiga Somaliland. Waxa uu tilmaamay in kooxaha cadawga ku ah xasilloonida qaranka, gaar ahaan kuwa xagjirka ah, ay u arkaan arrintan mid khatar ku ah danohooda, isla markaana ay bilaabeen olole lagu carqaladeynayo dadaallada socda ee la xidhiidha aqoonsi raadinta.

Sarreeyo Guuto Cabdi Xasan Mire oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Xaalad kale oo amniga khusaysa ayaa inagu soo korodhay. Waxaa socda olole weyn oo caalami ah oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, waxaana jirta filasho ah in Maraykanku noqdo dalka ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland. Arrintaasi waxay keentay in kooxaha xagjirka ahi ay dedejiyaan qorshayaashooda si ay carqalad u abuuraan.”

Taliyuhu waxa kale oo uu intaasi raaciyay "Ololaha aqoonsiga Somaliland ee socda awgiis, kooxihii xagjirka ahaa waxa la leeyahay: ‘Dedejiya hawlgalkiinna kahor inta aan la aqoonsan.’ Culeys ayaa halkaa inaga soo waajahan oo khatar badan leh. In dhug loo yeesho waa lagama maarmaan.”

Taliyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo iskaashi buuxa oo dhex mara shacabka iyo hay’adaha amniga, si loo wajahdo khatarahaas. Waxa uu sidoo kale xusay in ay muhiim ay tahay in la xoojiyo tirada ciidamada roondada ah ee wareega, loona diyaargaroobo wax kasta oo amniga lid ku ah.

"Waa lagama maarmaan in saldhigyada Boolisku ay xoojiyaan ciidamada roondada ah ee wareegga, si loo ilaaliyo xasilloonida. Sidoo kale, shacabku waa in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana si degdeg ah uga warbixiyaan wax kasta oo ay ka shakiyaan.”

     
Loading...