HADHWANAAGNEWS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda—kuwaas oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Israa’iil—ayaa si wadajir ah Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa ugu soo dhaweeyay khubaro ka tirsan Wasaaradda Biyaha oo aqoon-korodhsiga ugu maqnaa dalka Israa’iil.
Khubaradan ayaa soo dhammaystay tababaro iyo hawlo la xidhiidha maamulka iyo qorshaynta biyaha, kuwaas oo u qabsoomay si habsami leh, isla markaana la filayo inay door weyn ka qaataan horumarinta adeegyada biyaha ee dalka.
Masuuliyiinta soo dhoweysay khubaradan ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo aqoon iyo khibrad casri ah, si loo xoojiyo qorsheynta iyo maaraynta khayraadka biyaha, loona daboolo baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.
Soo laabashada khubaradan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa tayada adeegyada biyaha iyo horumarinta kaabayaasha biyaha, taas oo qayb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ku doonayso horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo gaadha dhammaan bulshada Somaliland.



