HADHWANAAGNEWS
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in ciidamadu ay ku jiraan heegan buuxa, isla markaana ay diyaar u yihiin sugidda amniga guud ee dalka, gaar ahaan xilliyada Ciidda.
Taliyaha ayaa bulshada kula dardaarmay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, si loo xoojiyo amniga iyo badbaadada shacabka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo laamaha ammaanka.
Wuxuu yidhi:
"Amnigeena Ciidanka Booliska JSL waxa uu ugu jiraa heegan buuxa, diyaarna waa yahay. Shacabka sharafta leh waxaan leeyahay maanta oo kale sidii aynu isku kaashan jirnay ee gacmaha isu qaban jirnay aynu amnigeena u wada ilaalino."
Sidoo kale, Taliyaha ayaa waalidiinta ugu baaqay inay si gaar ah ula socdaan ubadkooda inta lagu jiro maalmaha Ciidda, maadaama ay dhalinyaro badani u dalxiis tagaan magaalada Berbera iyo xeebaha.
Waxa uu sidoo kale ka digay shilalka gaadiidka, isaga oo ku booriyay darawallada inay dhimaan xawaaraha, isla markaana ay taxaddar muujiyaan si looga hortago khasaare naf iyo maalba leh.
"Maalmaha Ciidda dadka Somaliland waxay tagaan Berbera iyo badda, waddooyinka la marayaa shilal badan ayay keenaan. Waxaan kula dardaarmayaa waalidku inay qaadaan masuuliyadda ubadkooda, isla markaana la dhimo xawaaraha gaadiidka," ayuu yidhi Taliyaha Booliska JSL.
Hadalkan ayaa imanaya xilli laamaha ammaanku ay xoojiyeen dadaallada lagu sugayo amniga iyo badbaadada bulshada inta lagu jiro munaasibadaha Ciidda.