Booliska Sanaag Oo Soo Bandhigay Khamri Lagu Qabtay Hawlgallo Amni

Friday May 15, 2026 - 11:57:45
hadhwanaagnews
Hawlgalladan ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo



Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Sanaag ayaa maanta soo bandhigay khamri tiro badan oo lagu qabtay hawlgallo amni oo qorshaysan oo ciidamada ammaanku ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka.


 

Hawlgalladan ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo sugidda amniga bulshada, waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsanayey maandooriyaha, khamriga iyo wax kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida gobolka.


 

Ciidamada Booliska ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan khamrigan intii ay socdeen baadhitaannada iyo kormeerada kala duwan ee laga sameeyey deegaannada gobolka Sanaag.


 

Taliyeyaasha Booliska Gobolka Sanaag ayaa sheegay in hawlgalladu yihiin kuwo joogto ah oo lagu ilaalinayo amniga laguna xakameynayo falalka lidiga ku ah nabadgelyada bulshada.


 

Waxay sidoo kale sheegeen in cid kasta oo ku lug yeelata falal noocan oo kale ah lala tiigsan doono sharciga, iyaga oo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka kana qayb qaataan ilaalinta xasilloonida gobolka iyo ka hortagga waxyaabaha bulshada dhibaatada ku haya.

     
Loading...