Michael Rubin Oo Congress-ka Maraykanka Ugu Baaqay In Somaliland Loo Arko Wax Ka Badan Bahwadaag Amni

Thursday September 10, 2026 - 13:45:34
hadhwanaagnews
Khabiirku waxa uu Somaliland ku sifeeyey dal leh hay'ado dimuqraadi,,,



Khabiirka siyaasadda iyo arrimaha Geeska Afrika, Michael Rubin, ayaa warbixin uu ku daabacay warbaahinta caalamiga ah ugu baaqay Congress-ka Maraykanka in Jamhuuriyadda Somaliland aan loo arkin oo keliya bahwadaag dhinaca difaaca iyo amniga ah, balse sidoo kale loo aqoonsado dal door muhiim ah ka qaata ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta Geeska Afrika.

 

Rubin, oo warbixintiisa ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa si gaar ah u tilmaamay dadaallada Somaliland ay ugu jirto ilaalinta harimacadka, la-dagaallanka ugaadhsiga sharci-darrada ah iyo tahriibinta duurjoogta, iyo sidoo kale dhowrista khayraadka biyaha iyo dhirta.

 

Khabiirku waxa uu Somaliland ku sifeeyey dal leh hay’ado dimuqraadi ah iyo nidaam siyaasadeed oo uu sheegay inuu noqon karo saldhig lagu dhiso iskaashi ballaadhan oo u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland.

 

Michael Rubin ayaa sidoo kale ugu baaqay labada xisbi ee waaweyn ee Maraykanka, Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, inay si wadajir ah u taageeraan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku dooday in labada dhinac ay Somaliland ka heli karaan dano iyo qiyam siyaasadeed oo ay wadaagaan.

 

Rubin waxa uu sheegay in Jamhuurigu Somaliland u arki karo xulafo muhiim ah oo dhinaca amniga ah, halka Dimuqraadiguna ay ka dhex arki karaan tusaale dimuqraadiyadeed iyo hormuud dhinaca ilaalinta deegaanka, taas oo uu ku tilmaamay fursad ay labada xisbi uga midoobi karaan taageerada Somaliland.

     
Loading...