hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in wasaaraddu xoogga saarayso la dagaallanka kala qaybsanaanta iyo qabyaaladda, isla markaana ay ka shaqaynayso xoojinta jacaylka muwaadiniinta ee Qaranka.
Wasiirka ayaa hadalladan ka jeediyey kulan gaar ah oo uu caawa kula yeeshay xarunta wasaaradda warbaahinta gaarka loo leeyahay.
Barkhad Batuun ayaa warbaahinta ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan gudbinta muuqaalada quruxda badan ee dabaaldegyada xuska 18-ka May, isla markaana laga fogaado wax kasta oo dhaawici kara bilicda munaasabadda.
Wasiirka ayaa yiri:
"Waxa aynu la dagaallamaynaa kala qaybsanaanta, waxa aynu nacaynaa qabyaaladda, waxa aynu jeclaanaynaa Qaranka.”
Sidoo kale waxa uu xusay in muhiimad gaar ah la siiyo muuqaallada muujinaya quruxda iyo nidaamka ciidanka inta lagu guda jiro xuska 18-ka May.
Waxa uu sheegay:
"Maalinta xuska 18-ka May wax kasta oo qardoofa ah oo sharafta gaardiska ciidanka wax u dhimaya waa in aynu xagga hoose dhigno, in quruxda ciidanka iyo gaardiskooda la duuba ayaa wax kasta ka saamayn badan.”