hadhwanaagnews
Ka hor inta aysan billaaban wada-hadallada gaarka ah ee u dhexeeya madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping iyo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, labada hoggaamiye ayaa jeediyay hadallo si weyn loo hadal hayo oo ay ka muuqatay taxaddar diblomaasiyadeed iyo fariimo siyaasadeed oo culus.
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo Trump iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay magaalada Beijing, ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid go’aamin kara mustaqbalka dunida.
Xi Jinping wuxuu yiri;
"Danaha ay wadaagaan Shiinaha iyo Mareykanka ayaa ka weyn khilaafaadka jira. Labada dal way faa’iidayaan marka ay iskaashadaan, wayna khasaarayaan marka ay iska hor yimaadaan.”
Madaxweynaha Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay in labada quwadood ay tahay inay noqdaan "iskaashi-wadaagayaal” halkii ay iska noqon lahaayeen cadow, isaga oo xusay in dunidu mareyso marxalad cusub oo isbeddel iyo qalalaase badan leh.
Dhanka kale, Donald Trump ayaa si weyn u ammaanay Xi Jinping, isagoo ku tilmaamay "hoggaamiye weyn” isla markaana sheegay inuu mar walba runta sheego marka uu arrintaas tilmaamayo.
Trump wuxuu yiri;
"Waxaad tahay hoggaamiye weyn, qof walbana waan u sheegaa arrintaas. Sharaf ayay ii tahay inaan kula joogo, sidoo kalena aan saaxiibkaa ahay.”
Trump ayaa intaa ku daray in xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka uu noqon doono "mid ka wanaagsan sidii hore oo dhan”, hadal loo fasirtay fariin muujinaysa isku day cusub oo lagu dejinayo xiisadaha labada quwadood ee dunida ugu awoodda badan.