Trump oo Kongareeska U Gudbiyey Heshiiska Nukliyeerka Rayidka ah ee Sacuudiga

Wednesday August 26, 2026 - 20:32:39
hadhwanaagnews
Sida uu sheegay sarkaalku, heshiiska ayaa Isniintii loo gudbiyey Kongareeska,



Washington (Hadhwanaagnews.com): Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Kongareeska u gudbiyey heshiis la soo jeediyey oo Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ay iska kaashanayaan dhinaca tamarta nukliyeerka ee rayidka ah, isaga oo sheegay in heshiisku aanu dhaqan geli doonin ilaa Sacuudigu caadiyeeyo xidhiidhka uu la leeyahay Israa’iil.

 

Sarkaal ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa Reuters u sheegay in heshiiska, oo la gaadhay bishii July, uu shirkadaha Maraykanka u oggolaanayo inay Sacuudi Carabiya u dhoofiyaan tignoolajiyada nukliyeerka ee rayidka ah.

 

Sida uu sheegay sarkaalku, heshiiska ayaa Isniintii loo gudbiyey Kongareeska, si loo maro hannaanka loo baahan yahay ka hor inta aanu dhaqan gelin.

 

Sarkaalkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa Reuters u sheegay in heshiisku qayb ka yahay wada-shaqayn ballaadhan oo u dhaxaysa Washington iyo Riyadh, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo iskaashiga istiraatiijiga ah.

     
Loading...