hadhwanaagnews
Caalamka (Hadhwanaagnews.com): Afrika oo leh 54 dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay, kana badan rubuc tirada guud ee xubnaha hay’adda, ayaa wajahaysa su’aalo ku saabsan awooddeeda siyaasadeed iyo saamaynta ay ku leedahay go’aannada caalamiga ah.
Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay TRT Africa, tartanka lagu raadinayo beddelka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, oo muddo-xileedkiisu ku eg yahay dhammaadka 2026, ayaa Afrika u noqonaya imtixaan cusub.
Qaaraddu waxay soo bandhigtay musharraxiin dhowr ah, balse ilaa hadda ma jiro mowqif mideysan oo rasmi ah oo ay Midowga Afrika ku taageerayaan hal musharrax.
Professor Ibrahim Gambari, oo hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria, Wakiilka Joogtada ah ee Nigeria u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Afrika maanta ay ka maqan tahay midnimadii siyaasadeed ee ay muujisay doorashooyinkii 1992 iyo 1996.
Gambari ayaa xusay in markii Boutros Boutros-Ghali loo doortay Xoghayaha Guud 1992, dalalka Afrika ay lahaayeen qorshe mideysan. Sidoo kale, markii Maraykanku veto ku hor istaagay muddo-xileedkiisii labaad 1996, dalalka Afrika ayaa isku duubay, taas oo ugu dambayn horseeday in Kofi Annan oo u dhashay Ghana loo doorto xilka.
Codbixintii labaad ee aan rasmi ahayn ee Golaha Ammaanka ee 21-kii Agoosto ayaa muujisay in tartanku weli furan yahay. Carolyn Rodrigues-Birkett oo Guyana u dhalatay ayaa heshay siddeed cod, halka Rebeca Grynspan oo Costa Rica u dhalatay iyo Rafael Grossi oo Argentina u dhashay ay midkiiba heleen toddoba cod.
Labada musharrax ee Afrikaanka ah ee tartanka ku jira, Macky Sall oo Senegal u dhashay iyo Olara Otunnu oo Uganda ka soo jeeda, ayaa helay lix iyo shan cod, siday u kala horreeyaan. Midowga Afrika ayaan weli si rasmi ah u taageerin midkood.
Gambari ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn aanay ku koobnayn magaca musharraxa Afrika, balse ay tahay la’aanta isku-duwidda, heshiiska siyaasadeed iyo istaraatiijiyad fog oo ay qaaraddu ku wajahdo tartanka.
Afrika iyo Golaha Ammaanka
Tartanka Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale dib u soo nooleeyey doodda ku saabsan matalaadda Afrika ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.
Inkasta oo Afrika leedahay 54 dal, haddana ma laha kursi joogto ah oo Golaha Ammaanka ah, arrintaas oo muddo dheer qayb ka ahayd doodda ku saabsan dib-u-habaynta Golaha Ammaanka.
Gambari ayaa nidaamka hadda jira ku tilmaamay mid duugoobay oo aan ka tarjumayn qaybinta awoodda caalamka maanta, isaga oo xusay in Golaha Ammaanka uu muddo dheer ka shaqaynayey arrimo la xidhiidha colaado iyo xasarado ka jira Afrika, iyadoo qaaraddu aanay lahayn kursi joogto ah oo ay go’aannadaas si toos ah ugu saamayso.
Tartanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidaas Afrika hor dhigay su’aal ka weyn magaca qofka xilka qabanaya: 54-ka dal ma awoodi doonaan inay tiradooda badan u beddelaan awood siyaasadeed oo mideysan?
Afrika waxay hore u muujisay inay awood u leedahay inay si wadajir ah saamayn ugu yeelato doorashada hoggaanka Qaramada Midoobay, balse tartanka hadda socda ayaa mar kale tijaabinaya midnimada, isku-duwidda iyo awoodda istaraatiijiyadeed ee qaaradda.