Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Qaabilay Hoggaanka Cusub Ee SOLJA

Sunday September 06, 2026 - 15:19:55
hadhwanaagnews
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta mihnadda saxaafadda



Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa qaabilay hoggaanka cusub ee dhawaan ay doorteen Guddiga Sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

 

Kulanka oo uu ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Muuse Askar, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo xidhiidhka u dhexeeya Wasaaradda iyo SOLJA.

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta mihnadda saxaafadda Somaliland iyo sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta iyo ka shaqaynta Xeerka Saxaafadda.

 

Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ayaa hambalyeeyey hoggaanka cusub ee SOLJA, isaga oo u rajeeyey inay si wanaagsan u gutaan masuuliyadda loo igmaday.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay bahda warbaahinta Somaliland inay door muuqda ka qaataan ilaalinta qaranimada, wadajirka bulshada iyo danaha guud ee Somaliland, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay saxaafaddu ku leedahay horumarka iyo wacyigelinta bulshada.

     
Loading...