Madaxweyne Cirro Iyo Taliyaha Ciidamada Hawl-gallada Gaarka Ah Ee Maraykanka Ee Afrika Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga

Saturday August 01, 2026 - 15:13:06
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta...

May be an image of text


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan istaraatiiji ah la yeeshay Taliyaha Ciidamada Hawl-gallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika (SOCAFRICA), Major General Claude K. Tudor Jr., iyo wefti uu hoggaaminayey oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.


 

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey Taliye Claude K. Tudor Jr. iyo weftigiisa booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, isaga oo sheegay in kulanku uu qayb ka yahay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac.


 

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan ilaalinta amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed, marin-biyoodka Bab Al-Mandab iyo guud ahaan xasilloonida Geeska Afrika.


 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay in ka badan 850 kiiloomitir oo xeeb ah, taas oo ku teedsan mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan caalamka, isaga oo xusay in amniga xeebaha Somaliland uu qayb muhiim ah ka yahay amniga gobolka iyo kan caalamkaba.


 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in cid kasta oo danaynaysa iskaashi dhinaca amniga ee xeebaha Somaliland ay tahay inay si toos ah ula shaqayso Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay tahay dal leh nabad, xasillooni iyo hay'ado dowladeed oo shaqaynaya muddo ka badan 35 sano.


 

Waxa uu caddeeyey in Somaliland diyaar u tahay inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay ciidamada iyo hay'adaha amniga ee Maraykanka, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda, dambiyada abaabulan iyo khataraha kale ee saamaynaya amniga gobolka.


 

Dhankiisa, Major General Claude K. Tudor Jr. ayaa sheegay in Maraykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dano amni oo muhiim ah oo khuseeya berriga iyo baddaba, isaga oo xusay in xasilloonida Geeska Afrika iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ahi ay yihiin mudnaano ay labada dhinacba wadaagaan.


 

Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku diyaar u yahay inuu Somaliland kala shaqeeyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dhinac danaha u ah, isla markaana la sii xoojiyo wada-shaqaynta, is-weydaarsiga xogta, khibradaha iyo iskaashiga dhinaca amniga.


 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la sii xoojiyo wada-shaqaynta ku salaysan danaha amni iyo istaraatiijiyadeed ee ay wadaagaan Somaliland iyo Maraykanka.

May be an image of the Oval Office and dais
May be an image of the Oval Office and dais
May be an image of dais and text
May be an image of dais, the Oval Office and text
May be an image of text

     
Loading...