Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Bilad Sharaf Guddoonsiiyey Sarkaal Ka Tirsan EUCAP

Thursday May 14, 2026 - 10:10:26
hadhwanaagnews
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland



Hargeysa:- Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, Admiral Axmed Hure Haariye, ayaa kulan kula qaatay xarunta taliska guud ee ciidanka saraakiil ka tirsan Hay’adda EUCAP.


 

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Hay’adda EUCAP, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, horumarinta xirfadaha iyo xoojinta amniga xeebaha.


 

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa bilad sharaf shaqo wanaag iyo sagootin ah guddoonsiiyey Mr D. BERT, oo muddooyinkii u dambeeyey si dhow ula shaqeynayey ciidanka, isla markaana ay haatan u dhammaatay muddadii shaqo ee uu ka hayey Somaliland.


 

Mr D. BERT ayaa lagu ammaanay kaalintii uu ka qaatay taageerada iyo wada shaqeynta Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland intii uu xilkaasi hayey.

     
Loading...