Madaxweyne Cirro oo Dardaaran iyo Dardargelin Hawleed u Jeediyey Safiirrada iyo Ergayga Somaliland

Sunday October 18, 2026 - 08:45:24
hadhwanaagnews
Diblomaasiyiinta Cusub oo Ballanqaaday Gudashada Waajibaadkooda

May be an image of one or more people, dais and text


Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan dardaaran iyo dardargelin hawleed ah la yeeshay safiirrada, ergayga iyo safiir-ku-xigeennada uu dhawaan xilalka u magacaabay, isaga oo kula dardaarmay inay waajibaadkooda diblomaasiyadeed u gutaan si hufan, xilkasnimo iyo daacadnimo leh.

 

Kulanka, oo uu Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa diiradda lagu saaray masuuliyadda diblomaasiyiinta, ilaalinta danaha qaranka iyo xoojinta xidhiidhada caalamiga ah.

 

Madaxweynaha oo Adkeeyey Muhiimadda Xilalka Diblomaasiyadeed

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in xilalka danjirennimadu aanay ku koobnayn metelaad rasmi ah oo keliya, balse ay yihiin masuuliyado qaran oo xambaarsan magaca, jiritaanka dawladnimo, danaha istaraatiijiga ah iyo himilooyinka mustaqbalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa uu tilmaamay in xilalkaasi leeyihiin miisaan gaar ah, xilli ay bulshada caalamku si weyn ugu baraarugayso xaqiiqada dalnimo iyo dawladnimo ee Somaliland, iyo kaalinta istaraatiijiga ah ee ay ku leedahay gobolka iyo dunida.

 

Madaxweynuhu waxa uu diblomaasiyiinta cusub kula dardaarmay inay xilalkooda u gutaan si karti, daacadnimo, xilkasnimo iyo haybad qaran leh, isla markaana ay xoojiyaan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin waddamada loo igmaday.

 

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in mudnaanta la siiyo is-fahamka, iskaashiga iyo dano-wadaagga, si loo kobciyo xidhiidho caalami ah oo Somaliland u abuura fursado diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale iyo horumarineed.

 

Safiirrada oo Lagu Adkeeyey Xoojinta Xidhiidhka Jaaliyadaha

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale safiirrada ku boorriyey inay door muuqda ka qaataan mideynta iyo isku xidhka jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool waddamada ay qaranka wakiilka uga yihiin.

 

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo wadajirka bulshada dibadda ku nool, lana kobciyo ka-qaybgalka ay ku leeyihiin hawlaha qaranka, iyadoo la mideynayo awooddooda, waayo-aragnimadooda iyo xidhiidhadooda caalamiga ah si ay ugu adeegaan danaha Somaliland.

 

Diblomaasiyiinta Cusub oo Ballanqaaday Gudashada Waajibaadkooda

 

Dhankooda, safiirrada, ergayga iyo safiir-ku-xigeennada ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey inay ka go’an tahay gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

 

Waxa ay ballanqaadeen inay xilalkooda u gudan doonaan si daacadnimo, karti, xilkasnimo iyo hufnaan leh, iyagoo mudnaanta koowaad siinaya ilaalinta danaha, karaamada iyo sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa kale oo ay sheegeen inay si joogto ah uga shaqayn doonaan xaqiijinta himilooyinka diblomaasiyadeed iyo danaha istaraatiijiga ah ee qaranka.

 

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay Xukuumadda Somaliland siinayso doorka diblomaasiyiinta, xoojinta xidhiidhada caalamiga ah iyo isku xidhka jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dibadda.

     
Loading...