Xukuumadda Somaliland, ayaa mar kale muujisay dedaalka joogtada ah ee ay ugu jirto sidii dalka loogu soo jiidi lahaa Maalgashi Shisheeye, waxaana si cad u muuqata dhiirigelinta maalgashadeyaasha caalamiga ah ee Xukuumadda wadajir iyo waxqabad kuwaas oo ku soo qulqulaya gudaha Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed oo Wasaaraddiisu qaranka uga mas’uul tahay dhiirigelinta Maalgashadeyaasha caalamiga ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa dedaalo arrintaasi lagu xoojinayo, isaga oo kulamo is daba joog ah la qaadanayay shirkado iyo ganacsato ka kala socday waddamada caalamka.
Tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka mid ahaa wada-xaajood dhexmaray Wasaaradda iyo Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Ruushka ee Afrika (Afriocom Trading), Mudane Igor Morozov, iyo wefti uu hoggaaminayay taas oo ka mid ah hawl-gallada ay ugu jirto dhiirigelinta maalgashiga dibadda, iyada oo kulammo istiraatiiji ah lala yeelanayo ganacsatada caalamka.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyay sidii ganacsatada Ruushka ay si toos ah uga qayb qaadan lahaayeen wax wada qabsiga iyo iskaashiga horumarinta dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dhinacyada warshadaha, kaabayaasha, iyo wax-soo-saarka cuntada. Waxaa si gaar ah loo xusay doorka muhiimka ah ee Somaliland kaga jirto gobolka Geeska Afrika, iyada oo loo arko meel muhiim ah oo ku habboon maalgashiga.
Wasaaradda Maalgashiga iyo Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Ruushka ee Afrika (Afriocom Trading), ayaa isla qaatay iskaashiga qodobo dhawr ah oo laf-dhabar u ah dedaalada xukuumadda Somaliland ugu jirto kobcinta dhaqaalaha dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:-
Maalgashiga Sugnaanta Cuntada:- Waxaa la isla gartay muhiimadda horumarinta wax-soo-saarka gudaha ee beeraha iyo dhismaha warshado cuntada farsameeya, taas oo door ka qaadan karta yareynta ku-tiirsanaanta wax-soo-dejinta, abuurista fursado shaqo iyo kobac dhaqaale.
Maalgashiga Warshadaha Wax-soo-saarka:- Waxaa sidoo kale la falanqeeyay sidii loo dhiirrigelin lahaa maalgelinta warshado wax-soo-saar ah oo lagu farsameeyo alaabta gudaha, si kor loogu qaado qiime-kordhinta (value addition) ee khayraadka dalka.
Maalgashiga Kaabayaasha iyo Logistics-ka:- Maadaama Somaliland leedahay goob juqraafi ah oo muhiim ah, kulanku waxa uu si gaar ah u xusay baahida loo qabo in la horumariyo marinada dhoofinta, dekedaha, iyo isku xidhka suuqyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Iskaashiga cusub ee la la yeelanayo ganacsatada Ruushka waxa uu caddeyn u yahay kalsoonida sii kordheysa ee Somaliland ku yeelanayso dunida. Waa tallaabo muhiim ah oo lagu gaadhi karo koboc dhaqaale oo waara, laguna dhisi karo warshado casri ah oo abuura fursado shaqo, kordhiya wax-soo-saarka, islamarkaana xoojisa madaxbannaanida dhaqaale ee Somaliland.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga ayaa kulan la qaatay wefti maalgashato ah oo ka socday shirkada Vallis Advisory Limited. Shirkaddan oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, kana hawlgasha in ka badan 50 dal oo ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika, waxay khibrad ballaadhan u leedahay adeegyada silsiladda wax-dhoofinta (supply chain services) oo ah arrin si gaar ah muhiim ugu ah horumarka dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan xagga suuq-geynta, keydinta iyo dhoofinta badeecadaha gudaha laga soo saaro.
Kulankan oo dhacay xilli Somaliland ay ku tallaabsanayso horumar la taaban karo oo dhinaca maalgashiga ah, wuxuu caddeyn u yahay in dalal iyo shirkado caalami ah ay si dhab ah u danaynayaan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland. Weftiga shirkadda Vallis Advisory Limited wuxuu safarkooda ku salaysanaa in ay si qoto dheer u sahamiyaan fursadahaasi, taas oo laga dheehan karo in xukuumadda Somaliland ee waxqabad iyo wadajir ay qaaday jid cusub oo lagu abuurayo jewi maalgashi oo furfuran, lana jaanqaadaya halbeegyada maalgashi ee caalamiga ah, isla markaana ay xoojisay xidhiidhada dunida ee dhinacyada dhaqaalaha iyo iskaashiga ganacsi.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Cabdifataax Ismaaciil Ducaale ayaa dalka Imaaraadka Carabta ku soo bandhigay fursadaha dahabiga ah ee dhinaca maalgashiga Somaliland. Safarka agaasimaha ayaa ahaa mid xambaarsanaa yool muuqda oo ku wajahan kor u qaadidda muuqaalka Somaliland ee dhinaca maalgashiga caalamiga ah. Socdaalkan oo qaatay toban cisho, waxa uu muujinayaa sida Somaliland u sii xoojinayso dedaalka ay ugu jirto in ay noqoto xarun ganacsi oo muhiim u ah ganacsiga iyo horumar dhaqaale oo ka hirgala gobolka Geeska Afrika.
Socdaalka Agaasimaha Guud waxa uu ahaa mid midho-dhal ah oo waafaqsan yoolka guud ee wasaaradda: in Somaliland noqoto meel la isku halayn karo oo lagu horumariyo ganacsiga, warshadaha, iyo iskaashiga dhaqaale ee caalamiga ah. Waa tallaabo kale oo Somaliland u qaaday dhanka kobaca iyo isbeddelka lagu gaadhayo horumar dhaqaale oo mustaqbal leh.
Falanqayn uu sameeyay Wargeyska Dawan oo si dhaw ula socday dedaalada is daba joogga ah ee wasaaradda Maalgashiga Somaliland, ayaa bogaadiyay waxqabadka iyo dedaalada Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha, kaas oo si firfircoon ugu hawlan dhiirrigelinta, iibgeynta fursadaha maalgashi ee JSL iyo la macaamilka hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.
Wasiirka iyo hawl-wadeena wasaaradda Maalgashiga JSL ayaa wada hawl-gallo naf hurnimo ah, kuwaas oo lama huraan u ah sidii ay fursadahani u noqon lahaayeen kuwo midho dhal ah, iyada oo la xoojinayo qorsheyaasha wax ku oolka u ah hirgelinta maalgashiga la damacsan yahay.
Sidoo kale, waxaa bogaadin mudan dedaalada ay waddo wasaaraddu ee lagu dardargelinayo dib-u-habaynta shuruucda iyo nidaamka maalgashiga si loola jaanqaado heerarka caalamiga ah, loona adkeeyo kalsoonida maalgashadayaasha.
Somaliland waxay haysataa fursad dahabi ah, maadama ay dihin yihiin khayraadkeedu, waxaana waajib ah in bulshada Somaliland ay si weyn u taageeraan dedaalada ay wadaan wasaaradda maalgashiga iyo xukuumadda waxqabad iyo wadajir si looga faa’iideysto fursadahaasi.
Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata in ay bilawday olole heer caalami ah iyo dedaalo lagu raadinayo maalgashiga dalku u baahan yahay, iyada oo diiradda la saarayo abuurista fursado shaqo, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo hirgelinta warshado ka qayb qaata mustaqbal dhaqaale oo sugan.