Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujisay kartida hoggaamineed iyo hoggis siyaasadeed oo ku saleysan aragti fog iyo dan qaran, iyada oo qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan furfurnaanta isu socodka iyo fududeynta helitaanka fiisaha dal-ku-galka (Visa On Arrival) ee lagu iman karo gudaha dalka.
Siyaasaddan cusub waxay ka tarjumaysaa dedaalka istiraatiijiga ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ugu jirto kor u qaadista iyo horumarinta arrimaha maalgashiga caalamiga ah. taas oo ay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo xidhiidhka shirkadaha waaweyn ee dunida iyo ganacsatada caalamiga ah ee daneeya arrimaha maalgashiga, sidoo kalena ay xukuumaddu kobciso xidhiidhka Somaliland iyo qurbejoogta, isla markaana dalka loo furo fursado cusub oo ganacsi iyo dalxiis ah.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaadhan oo xukuumadda waxqabad iyo wadajir ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku xoojinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo diirradda la saarayo dhiirrigelinta iskaashi caalami ah iyo kobcinta xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland. Waxay sidoo kale fure u tahay sidii loo abuuri lahaa jawi maalgashi oo hufan, isla markaana lagu dhiirrigelinayo in qurbejoogtu kaalin muuqata ka qaataan horumarinta dalka.
Wasaaraddu waxay aaminsan tahay in xoojinta xidhiidhka dibadda iyo furfurnaanta siyaayadeed iyo dhaqaale ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee Somaliland ay ku gaadhi karto horumar waara.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), ayaa 12-kii bishan August, guddoomiyay shir muhiim ah oo diiRradda lagu saaray hirgelinta siyaasaddan, taas oo si toos ah u sahleysa helitaanka fiisaha ama dal ku galka Jamhuuriyadda Somaliland marka uu qofku yimaaddo gudaha dalka (Visa On Arrival). Shirkaas oo ay ka qayb-galeen xubno guddi ah oo loo xilsaaray arrintan oo kala aha Wasiirka Wasaaradda Arrrimaha Gudaha iyo Amniga, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL iyo Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Illaalinta Xuduudaha JSL.
Go’aanka xukuumaddu ku dhammaystirtay Hirgelinta siyaasadda fududaynta dal ku galka Somaliland (Visa On Arrival Policy) oo Madaxweynaha JSL, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi uu hore ugu xilsaaray Guddidan-wasiirada ah (Ministerial Task force), ayaa ah mid mudan in la soo dhaweeyo, wuxuuna muujinayaa hannaan dawladeed oo furfuran, koboc dhaqaale iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo togan. Shirkani uu wasiirku guddoomiyay wuxuu iftiiminayaa jihada cusub ee ay Somaliland qaaday ee ku wajahan horumarinta xidhiidhadada diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed, iyada oo diirradas la saarayo jihada fududeynta socdaalka, kobcinta isdhexgalka, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
Siyaasadani maaha oo keliya mid kor u qaadaysa ganacsiga iyo dalxiiska, balse sidoo kale waa calaamad muujinaysa kalsooni iyo xasillooni siyaasadeed, taas oo ah arrin muhiim u ah kasbashada indhaha beesha caalamka. Qurbejoogta, oo door muhiim ah ka ciyaara horumarka dalka, ayaa si gaar ah uga faa’iidaysan doona nidaamkan cusub, iyadoo meesha laga saarayo caqabado horay ugu xeernaa helitaanka fiisaha.
Hirgelinta siyaasaddan oo ku dhisan furfurnaan masuuliyad leh, waxay suurtogal ka dhigaysaa in la abuuro fursado shaqo, maalgelin, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha, iyadoo sare loo qaaday sumcadda Somaliland oo noqoneysa dal ku dhisan nidaam, sharci iyo xasillooni.
Qorshahan waa qayb ka mid ah yoolalka barnaamijka Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ee Wadajir iyo Waxqabad, wuxuuna si cad u muujinayaa in dowladda Somaliland ay hiigsanayso furfurnaan, horumar, iyo dowladnimo hufan oo ku saleysan danta shacabka iyo mustaqbalka dalka.