Waxaanu yidhi."Waa dhab madaxweyne muddo kooban ayaad ...
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo ka tirsan madax-dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa siweyn u bogaadiyay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, isagoo ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen mudada kooban ee ay xilka hayaan.
Wuxuu intaas ku daray in xukuumaddu ay ka dhabeysay ballanqaadyo ay sameysay xilligii ololaha, gaar ahaan keenista iyo maamuusidda Ugaaska guud ee beelaha Samaroon.
Suldaanku sidoo kale waxa uu si gaar ah u xusay dhulalka ay horumarku ka socdaan sida Lughaya, Xariirad iyo Cali-Xaydh, isagoo sheegay in inkasta oo ay yihiin dhulal baadiye ah, hadana dadaalka iyo tamarta jirta wax badan lagu qaban karo.
Waxaanu yidhi."Waa dhab madaxweyne muddo kooban ayaad xilka haysaan adiga iyo xukuumaddaaduba, intii tamartiina ahayd in ka badan ayaad qabateen, bulshadana horumarka iyo cadaalada uunba gaadha.
Mashaariic waa weyn oo Qarameyntii ciidamadu ka mid yihiin ayaad fuliseen, horumarkii iyo mashaariicdii kalena wax dhammeystir ku dhaw iyo wax dhexda maraya iyo wax bilaabmayba ay leeyihiin.
Xilka Alle haydinku asturo, hawlahana Alle haydiin fududeeyo, bulshadana waxa ku waajiba inay idin garab galaan oo idin taageeraan.
Qodobadii halkan laga akhriyay iyo kuwii aad khudbadaada ku sooqaadatayna guud ahaan waxay ahaayeen kuwada dhaxalgala, xukuumadihi kala danbeeyay horumarka gobollada Galbeedka ayay ku calaamadiyeen, balse sidii loo sheegayay may ahayn.
Bakida aad qalcadaha ka jabineysaan, Lughaya, xariirad iyo Cali-xaydhba dhamaantood waa dhul oodana, balse hadba wixii tamarteena ayaa wax lagaga qaban doonaa.
Madaxweyne, madaxweyne ku xigeen iyo xukuumadiinuba waad ku mahadsan tihiin sidaas uga dhabeyseen balanqaadkiini xilligii ololaha ee ahaa in Ugaaska guud ee beelaha Samaroon aaad keensaan, roogcasna aad u dhigeysaan, waad keenteen, waad soo dhaweyseen, waad maamuusteen, caawaba waydiinka wada fadhiya.”
Gaba-gabadii wuxuu Alle uga baryay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa in uu xilka u asturo, hawlaha u fududeeyo, bulshada na uu ugu baaqay inay xukuumadda garab istaagaan.