"Qaxoontiga sharci-darrada ah tallaabo ayaa laga qaadi doonaa"Guddoomiye Saleebaan

Sunday August 31, 2025 - 14:40:21
hadhwanaagnews
Wixii sharci ku joogaa danbiyada ay galaan dadka...


Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in qaxoontiga dalka ku jooga sharci-darrada ah tallaabo laga qaadi doono, isla markaana haddii ay dambiyo galaan aan la dhaafin doonin.

Waxa uu xusay in kuwa sharci ku jooga ay la mid yihiin muwaadiniinta marka dambiga la eego, balse kuwa si sharci darro ah ku soo galay ay hay’adaha nabadgelyadu si adag uga hortagi doonaan.
Waxa kale oo uu sheegay in bulshada aan looga baahnayn inay sharciga gacantooda ku qaataan, balse dowladda ay masuul ka tahay.

Waxaanu yidhi."Qaxoontiga waxna sharci ayay ku joogaan waxna way iska soo galeen oo dadka uunbay ka mid noqdeen.

Wixii sharci ku joogaa danbiyada ay galaan dadka muwaadiniinta ah ayay ula mid yihiin, balse wixii sharci darro ku jooga hay’addaha nabadgelyadu haka tallaabo qaadaan.

La eegan maayo nin soogalay oo aan muwaadin ahayn oo qaxoonti ahi intu dalka danbi ka galo haddana sii joogo Maxkamada hala geeyo hayna dhaafeen, bulshaduna inay sharciga gacantooda ku qaataan maahe dowladda ayay hawshani taala”
     
Loading...