Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si hagar la’aan ah u wadday dadaallo ballaadhan oo lagu xoojinayo daryeelka iyo caafimaadka xoolaha, horumarinta adeegyada dhoofka xoolaha iyo tababbarro kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda hawlwadeennada wasaaradda.
Dadaalladan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL ayaa qayb ka ah qorshe ballaadhan oo lagu horumarinayo tayada wax-soo-saarka xoolaha, iyadoo diiradda la saarayo caafimaadka xoolaha iyo kor u qaadista nafaqada iyo calafka ay cunaan. Arrimahan ayaa ah tiir muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka, maadaama ay xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.
Tallaabooyinkan iyo himilada guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa qayb ka ah dadaalka lagu xaqiijinayo yoolka xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee ku dhisan waxqabad, hufnaan iyo wadajir. Waxaana lagu taabbo-gelinayaa qorshayaal horumarineed oo lagu daryeelayo xoolaha, korna loogu qaadayo nolosha dadka xoolo-dhaqatada ah ee reer miyiga.
Horumarinta Adeegyada Dhoofka Xoolaha:
Agaasimaha guud ee wasaaradda, Mudane Axmed Cismaan Jaamac (Talo-same), ayaa daah-furay shirka billaha ah ee daneeyayaasha dhoofka xoolaha iyo madaxda wasaaradda, kaas oo lagu qabtay magaalada Berbera. Shirka ayaa ah mid joogto ah oo bil walba la qaban doono, waxaanay ujeeddadiisu tahay in la dardargeliyo hawlaha wasaaradda iyo in la hubiyo caafimaadka xoolaha ka hor inta aanay dalka ka dhoofin. Shirkan waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin wasaaradda ka tirsan, maamulka gobolka Saaxil, maamulayaasha maxjarada, dhakhaatiirta xoolaha, ganacsato, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.
Manhajka Qaranka ee Calafka Xoolaha:
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa ka daahfurtay falanqayn heer qaran ah oo lagu diyaarinayo Manhaj Qaran oo mideysan oo ku saabsan tababarka wax-soo-saarka calafka xoolaha. Kulankan ayaa lagu go’aamiyay in la mideeyo aqoonta iyo tababarrada la gaadhsiiyo beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, si wax looga qabto caqabadaha ay keeneen isbeddelka cimilada, abaaraha soo noqnoqda iyo baahida loo qabo calaf tayo leh oo la kaydin karo, la warshadeyn karo, isla markaana suuq-geyn leh.
Manhajkan Qaran ayaa loo arkaa tiir-dhexaad cusub oo wax ka tari doona horumarinta wax-soo-saarka calafka gudaha, iyadoo lagu xoojinayo daryeelka xoolaha, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista nolosha bulshada ku tiirsan dhaqashada xoolaha. Waxa uu noqon doonaa hannaan hagaya jiilka maanta iyo kan mustaqbalka, isagoo mideynaya aqoonta, sidoo kalena adkaynaya horumarka dhaqaalaha, isla markaana kana jawaabaya baahida nololeed ee deegaanka iyo bulshada reer miyiga ah ee Somaliland.
Sidoo kale, shaqaalaha wasaaradda iyo khubaro ku takhasustay wax-soosaarka xoolaha ayaa si wada-jir ah u falanqeeyay Buugga Tababarka Calafka Xoolaha (Fodder Training Manual). Buuggan oo loogu talagalay inuu noqdo manhaj qaran oo mideeya tababarada la xidhiidha calafka xoolaha, isla markaana kor u qaada xirfadaha beeralayda iyo xoolo-dhaqatada Somaliland.
Iskaashi lagu Taageerayo Xoolo-dhaqatada:
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cumar Shucayb Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Md. Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar) iyo Agaasimaha Guud Md. Axmed Cismaan Jaamac (Talo-same), ayaa kulan midho-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Mandaqada ee Hay’adda Mercy Corps, Dr. Diba Wako, oo ah Agaasimaha Barnaamijka Gobolka ee Xoolaha (RLP). Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya wasaaradda iyo hay’adda, si loo horumariyo barnaamijyada caafimaadka, nafaqeynta, iyo suuq-geynta xoolaha. Sidoo kale waxa la isla qaatay xoojinta iskaashiga ka hortagga abaaraha soo noqnoqda iyo taageeridda dadka xoolo-dhaqatada ah. Hay’addu waxay balan qaaday inay ka qeyb qaadan doonto gacan-siinta meelaha abaaruhu ka jiraan ee gobollada Somaliland.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ay Wasaaraddu ku xoojinayso iskaashiyada istaraatijiga ah ee u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta nolosha xoolo-dhaqatada. Wasaaraddu waxay si cad u muujisay inay mudnaan gaar ah siinayso la-tashiyada noocan ah oo lagu dejinayo qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu daryeelayo xoolaha, isla markaana lagu horumarinayo dhaqaalaha reer miyiga, taasoo si toos ah uga turjumaysa yoolka xukuumadda ee ku dhisan horumar iyo waxqabad muuqda.
Xoojinta Adeegyada Caafimaadka Xoolaha:
Waxaa sidoo kale socda kormeer joogto ah oo lagu hubinayo adeegga caafimaadka xoolaha ee gobollada Somaliland, iyadoo dhakhaatiirta xoolaha ee wasaaraddu ay si hufan dalka uga fulinayeen adeegyada daaweynta xoolaha iyada oo si gaar ah diirradda loo saaray deegaanada ay ka jirtp baahida gaarka ahi.
Maamulka iyo hufnaanta shaqada:
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka iyo hufnaanta shaqada, iyadoo si rasmi ah u hirgelisay nidaamka xaadiriska casriga ah ee shaqaalaha ‘Finger Print’. Nidaamkan ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo joogitaanka shaqaalaha, iyada oo tallabadan lagu xoojinayo ilaaliyo saacadaha shaqada si loo helo adeeg shaqo oo leh waxtar iyo isla xisaabtan shaqo. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar), ayaa si adag ugu adkeeyay dhammaan shaqaalaha inay ilaaliyaan saacadaha shaqada, isla markaana ay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran ee loo igmaday.
Iskaashi waxbarasho:
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa xoojisay iskaashiga ay la leedahay jaamacadaha gudaha dalka, gaar ahaan kuwa bixiya kuliyadaha xannaanada xoolaha si kor loogu qaado tayada aqoonta iyo tababarrada xirfadeed ee ardayda baranaysa caafimaadka xannaanada xoolaha. Ujeedada iskaashigan ayaa ah in la soo saaro dhakhaatiir iyo khubaro tayo leh oo si hufan ugu adeegi kara baahiyaha dalka ee la xidhiidha caafimaadka xoolaha, horumarinta, wax-soo-saarka, iyo adeegyada la xidhiidha dhaqaalaha dadka xoolo-dhaqatada ah.
Hadafka guud ee Wasaaradda:
Dadaalladan oo dhan waxaa loogu talagalay in lagu horumariyo xoolaha, dhoofkooda, tababarka xirfadlayaasha, kor u qaadista dhaqaalaha dalka xoolo-dhaqatada ah iyo beeralayda.
Qorshayaasha Horumarineed ee Wasaaradda:
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Cumar Shucayb Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Md. Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Axmed Cismaan Jaamac (Talo-same), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda. Kulankan ayaa lagu falanqeeyay qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee horumarineed ee wasaaradda, si loo dardargeliyo himilooyinka qaranka ee la xidhiidha daryeelka xoolaha iyo horumarinta nolosha reer miyiga.
Wasiirka ayaa si cad ugu boorriyey Agaasimayaasha Waaxyaha in ay dardar geliyaan shaqada ballaadhan ee ay u hayaan qaranka, isaga oo xusay in waxtarka iyo hufnaanta shaqadoodu ay tahay udub-dhexaadka guusha wasaaradda. Kulankan wuxuu muujinayaa go’aanka adag ee hoggaanka wasaaradda ee ku aaddan hirgelinta qorshayaal istiraatiji ah oo waxtar u leh qaranka.
Gunaanad:
Dadaalladan isbiirsaday ayaa muujinaya sida ay Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyigu ay u qaadday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo xoolaha, dhoofkooda, iyo tababarka xirfadlayaasha, iyada oo looga golleeyahay kobcinta dhaqaalaha dalka iyo taageeridda beeralayda iyo xoolo-dhaqatada. Waxay sidoo kale cadeyn u tahay sida iskaashiga dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah ay uga wada qayb qaadan karaan horumar waara oo lagu gaadhayo himilooyinka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.