Sida muuqata hoggaaminta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu sugayo badqabka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, isla markaana lagu xoojinayo hufnaanta, daah-furnaanta iyo hannaanka maaliyadeed ee dalka.
Sida muuqata hoggaaminta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa xuddun u noqotay dedaallo baaxad leh oo lagu dhisayo nidaam dhaqaae oo xasiloon iyo olole dhab ah oo ku salaysan la dagaalka musuqmaasuqa iyo maydhaanka lacagaha sharci darrada ah.
In kasta oo maydhaanka lacaguhu uu yahay dambiyo dhaqaale oo caalami ah, haddana Somaliland waxa ay si xeel dheer u fahansan tahay in dhibaatadiisu tahay mid hoos u dhigta kalsoonida hay’adaha maaliyadeed, sidoo kale wax u dhimaysa suurtagalnimada maalgashiyada shisheeye, kuna xadgudubta dhaqaalaha tooska ah (formal economy). Waxa intaa dheer, in lacagaha sharci darrada ah ay keeni karaan in hantida qaran la lunsado, isla markaana uu gacanta u galo shakhsiyaad iyo shabakado aan la saadaalin karin.
Go’aanka Madaxweynaha: Waa Siyaasad Ujeeddo Cad leh:
"Shirkan waxaynu ka doonaynaa in uu abuuro kalsooni iyo inay dunidu aaminto Somaliland, kuna soo hirato nidaamkeenna iyo hay’adaheena maaliyadeed”, ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeedinayay shirweynihii heer qaran ee la dagaalanka maydhaanka lacagaha sharci darrada ah iyo xoojinta daahfurnaanta maaliyadeed ee dalka.
Hadalkani wuxuu ka tarjumayaa aragti siyaasadeed oo ka fog shirka laftiisa, taas oo muujinaysa in hoggaamiyaha Somalialnd uu si dhab ah u fahansan yahay baahida degdegga ah ee dib-u-habayn maaliyadeed, si loo dhiso kalsoonida gudaha iyo dibedda, loogana fogaado nidaam dhaqaale oo fowdo ah.
Khudbadda Madaxweyne Cirro waxay ahayd farriin cad oo loo diray beesha caalamka: taas oo ah ‘Somaliland waxay diyaar u tahay inay la jaanqaaddo heerarka caalamiga ah ee xakameeya maydhaanka lacagaha, xoojinta daahfurnaanta, iyo la dagaalanka musuqmaasuqa’, kuwaas oo ah halbeegyada lagu qiimeeyo dawladnimada casriga ah.
Go’aanka Madaxweynaha ayaa sidoo kale calaamad u ah isbeddel la taaban karo oo xagga maamulka ah, isaga oo muujiyay in aanay jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, marka ay timaaddo ilaalinta hantida dadweynaha iyo maamul wanaagga dhaqaalaha Somaliland.
Tani waxay ka dhigan tahay bilow cusub oo ka turjumaya in Somailand ay tahay qaran si dhab ah ula xisaabtami kara hay’adihiisa, kartina u leh ilaalinta hantidiisa, kana shaqeeya dhisidda jawi sugan oo maalgashi iyo horumar waara lagu gaadhi karo.
Sidoo kale, waa farriin siyaasadeed oo qeexaysa in xukuumadda cusub ee madaxweynaha JSL ay leedahay intijaah iyo ujeedo cad oo la xidhiidha hirgelinta maamul daah-furan oo lagaga takhalusayo dhaqannadii hore u ragaadiyay dhaqaalaha dalka ee uu ugu horreeyo musuqmaasuqa iyo isla xisaabtan la’aantu.
Baanka Dhexe iyo Hirgelinta Xeerarka loo Baahan Yahay:
Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa si muuqata u muujiyey in Baanka Somaliland bilaabay dedaallo joogto ah oo wax lagaga qabanayo khataraha maydhaanka lacagaha iyo musuqa, iyada oo la diyaariyay dhammaan xeerarkii loo baahnaa, waxaanu sheegay in la diyaariyay:
Hagaha Aqoonsiga Macmiilka (KYC)
Hagaha u Dhug-yeelashada Macaamiisha (CDD).
Habraacyada la-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Lacagta la Dhaqo.
Qodobadan ayaa ah tiir-dhexaadka nidaamka ka-hortagga iyo la dagaalanka maydhaamista lacagaha iyo maalgelinta Argagixisada,"Anti-Money Laundering (AML) iyo Counter-Terrorist Financing (CTF)” kuwaas oo ah halbeegga ay dunidu ku qiimeyso kalsoonida hay’adaha maaliyadeed. Waa laba siyaabood oo caalami ah oo lagula dagaallamo dhaqaalaha sharci darrada ah iyo maalgelinta argagixisada.
Wasaaradaha Maaliyaddaaiyo Macdanta: Xeerar iyo Xil Qaran
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdillahi Xassan Aadan, iyo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa labaduba waxa ay dul istaageen arrin aad u muhiim ah: Sida lacagaha sharci-darrada ah iyo sida maydhaanka lacagahu ay isugu beddelo caqabad dhab ah oo dhaawacda maamulka dakhliga, canshuuraha iyo kheyraadka dabiiciga ah ee waddamada dunida.
Wasaaradda Tamartu waxa ay si gaar ah uga ayaa muujisay sida ay ugu diyaarsan yihiin ka hortagga isku dayada lagu adeegsanayo macdantauin si sharci darro ah loogu dhaqo lacagaha. Waxa ay ballan qaaday in ay si buuxda u dhaqangelinayso xeerarka cusub ee ruqsad bixinta macdanta iyo ilaalinta hantida dabiiciga ah ee qaranka.
Shirkan maaliyadeed ee Somaliland waxa uu si geesinimo leh u muujinayaa in la Jabiyay deyrkii gabood-falka ahaa ee dhaqaalaha qaranka lagu dibibin-daabyan jiray. Waxa uu sidoo kale calaamad u yahay in xukuumadda Somaliland doonayso in ay dhisto nidaam maaliyadeed oo casri ah, lagu kalsoonaan karo, laguna maalgashan karo. "Qaran aan Ilaalineyn Maaliyaddiisu Waa Qaran Mustaqbalkiisa madaw ku jiro”.
Waa waajib qaran in la xoojiyo shuruucda maaliyadeed ee dalka, isla markaana kor loo qaado wacyiga bulshada, lana mideeyo hay’adaha si la-dagaalanka maydhaanka lacagaha iyo musuqmaasuqa uu u noqdo mid dhaxal-gal ah.
Muhiimadda Xeerka La-dagaalanka Maydhaanka Lacagaha:
Waa tallaabooyin sharciyeed iyo nidaamyo lagaga hortaggo lacagaha lagu helo hannaan faldambiyeed ah, sida musuqmaasuq, ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo laaluushka, sidoo kalena lagu xakeemyo in lacagahaasi sharci-darrada ah loogu beddelo lacago sharci ah.
Muhiimadda Xeerka ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada:
Waa qorshe iyo istaraatijiyad lagaga hortaggayo in kooxaha argagixisadu ay helaan lacag iyo maalgelin ay ku fuliyaan falalkooda khatarta ah. Kuwaas oo bartilmaameedsada helitaanka ilaha maalgelineed ee sharci-darrada ah iyo isticmaalka adeegyada maaliyadeed si qarsoodi ah.
Qorshayaashan ayaa ah hannaan loo adeegsado in lagaga hortaggo in nidaamka maaliyadeed ee dalka loo adeegsado dambiyo iyo falal argagixiso. Waa istaraatiijiyad lagu sugo, laguna ilaaliyo sumcadda hay’adaha maaliyadeed (bangiyada, xawaaladaha, shirkadaha caymiska iwm).
Xeerarkani waxa kale oo ay muhiimad weyn u leeyihiin in si cad loo qeexo ama loo garto cidda ah macaamilka saxan. In la baadho asalka lacagta macaamilku haysto. In hay’addaha ammaanku ay la socdaan macaamilka laga shakiyo iyo In hay’adaha maaliyadeed ay kaydiyaan xogta macaamiisha muddo cayiman.