Furitaanka kulanka saddex-biloodlaha ah ee Guddiga Farsamo ee Mashruuca Kor u qaadista maamulka khayraadka dadweynaha Somaliland ee SERP (Somaliland Enhancing Public Resources Management) oo uu 20-kii July 2025, si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa muujinaya dadaal muuqda oo hay’adaha dowladda Somaliland ku xaqiijinayaan hufnaan, isla xisaabtan, iyo maamulka waxtarka leh ee kheyraadka qaranka.
Mashruucan oo qorshihiisu yahay inuu socdo ilaa sanadka 2027, wuxuu si cad u iftiiminayaa sida Jamhuuriyadda Somaliland ay uga go’an tahay horumar waara iyo koboc dhaqaale oo ku dhisan maamul dawladeed casri ah. SERP waxa uu tusaale cad u yahay isbeddelka lagu sameynayo nidaamyada dowladda, kaas oo horseedaya daahfurnaan, kordhinta dakhliga gudaha, iyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo ka dhexaysa hay’adaha kala duwan.
Waxaa mudan in si weyn loo ammaano isku duubnida iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee mashruucan ka qeyb qaadanaya. Wasaaradda Maaliyadda, Xafiisyada Hanti-dhawrka Guud iyo Qandaraasyada Qaranka, Hay’adda Maamul-wanaagga iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, iyo labada Gudi-hoosaad ee Dhaqaalaha iyo Dabo-galka Hantida Dawladda ee Golaha Wakiillada, waxay dhiseen hannaan wadajir ah oo horseed u ah gaadhista yoolalka horumarineed ee qaranka.
Ujeeddada mashruuca Somaliland Enhancing Public Resources Management (SERP) ayaa ah in la xoojiyo maamul wanaagga, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta maamulka khayraadka dadweynaha ee Somaliland. Mashruucani wuxuu diiradda saaraya:
Guud ahaan, mashruucu wuxuu ujeedkiisu yahay in Somaliland ay hesho maamul dadweyne oo tayo leh, hufan, isla markaana ku dhisan isla xisaabtan iyo adeeg bulsho oo la isku halayn karo.
Mashruuca SERP wuxuu tusaale u yahay sida wada shaqeyn joogto ah iyo is afgarad ka dhaxeeya hay’adaha dowladda ay u horseedi karto horumar la taaban karo oo dhinaca maamulka iyo maaliyadda ah. Waxaa la filayaa in fulinta guusha leh ee mashruucani ay saldhig u noqoto xasillooni dhaqaale iyo horumar waara oo dalka laga dareemo.
Ugu dambeyntiina, mashruucani ma aha oo kaliya mid qorshaysan, balse waa mid ku salaysan himilo qaran oo leh aragti qoto-dheer, waxaana muhiim ah in dhammaan dhinacyada ay khusayso iyo guud ahaan bulshada reer Somalialnd ay garab istaagaan si loo xaqiijiyo himilooyinkan muhiimka ah.