Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Mudane Maxamed Daahir Cabdalle, oo uu wehelinayo xoghayaha fulinta ee gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan ayaa shir muhiim ah iskugu yeedhay madaxda hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala gobolkaas, si maamulka gobolku warbixin dhab ah uga helo hawlaha ay wadaan iyo qorshayaasha ay u diyaariyeen mustaqbalka dhow.
Shirkan oo ka dhacay xarunta gobolka, ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo is-dhexgal toos ah oo u dhexeeya maamulka gobolka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha horumarinta, adeegyada bulshada, iyo mashaariicda kala duwan ee laga fuliyo gobolka Saaxil. Intii uu socday kulanka, ayaa hay’ad kastaa waxay soo bandhigtay warbixin ku saabsan hawlgalkeeda saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorsheyaasheeda ku aaddan horumarka gobolka.
Guddoomiye Maxamed Daahir Cabdalle ayaa si weyn u bogaadiyey dedaalka hay’adaha ka hawlgala gobolka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii labanlaabaan hawlahooda, islamarkaana ay si dhow ula shaqeeyaan maamulka deegaanka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay baahida loo qabo in hay’adaha aan weli si firfircoon uga hawlgelin gobolka ay fursad u helaan in ay yimaadaan kana qaybqaataan horumarka gobolka Saaxil.
Guddoomiyaha ayaa xusay in shirkan uu yahay mid joogto ah oo saddexdii biloodba mar la qabto, si kor loogu qaado isfahanka, isku-xidhka iyo isla-xisaabtanka ka dhexeeya maamulka gobolka iyo hay’adaha kala duwan. Tani ayaa qayb ka ah dadaalka maamulka gobolka uu ugu jiro hagaajinta hufnaanta shaqo iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed.
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid horseeda wada-shaqeyn midho dhal ah oo ka dhex bilaabanta maamulka gobolka iyo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawlgala gobolka Saaxil.