Laba Booyaddood oo lagu helay Kiiska Marxuum lagu jiidhay Deegaanka Carayaambo.

Wednesday July 23, 2025 - 17:04:27
hadhwanaagnews
Raacdo dheer kadib ciidanka ayaa sheegay in laba b


Ciidanka Booliska gaar ahaan Ilaalada Wadooyinka ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan 7 Qof iyo laba Booyaddood oo ku lug lahaa marxuum 9 cisho ka hor lagu jiidhay Waddada u dhaxaysa Arabsiyo iyo Hargeysa.

Raacdo dheer kadib ciidanka ayaa sheegay in laba booyaddood oo wada jiidhay marxuum ay gacanta kusoo dhigeen halka 4 qof oo kalena oo ay soo qabteena ay ka gacan siiyeen Qarinta kiiskaasi.

Marxuumka oo ka dhacay gaadhi Dhayne ah ayaa ay labada Booyaddood mid kasta dul maray Marxuumka oo dhulka yaala.

Ciidanka ayaa sheegay in dhawaan Sharciga la marin doono.
     
Loading...