Madaxda Midowga Yurub, oo uu ka mid yahay Ursula von der Leyen...
Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay cunaqabataynta uu Mareykanku saaray afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC.
Cunaqabatayntan ayaa la xidhiidha go’aamo ay maxkamaddu ka gaadhay baadhitaanno ku saabsan dambiyo dagaal oo lagu eedeeyay ciidamada Mareykanka ee Afghanistan iyo sidoo kale amar maxkamadeed oo lagu soo xidhayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Madaxda Midowga Yurub, oo uu ka mid yahay Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in maxkamadda ICC ay muhiim u tahay caddaaladda caalamiga ah, isla markaana ay tahay in ay xor u ahaato shaqadeeda.
Qaramada Midoobay iyo madax kale oo Yurub ah ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay tallaabada Mareykanka, iyagoo sheegay in ay dhaawacayso madax-bannaanida garsoorka.
Dawladda Slovenia, oo mid ka mid ah garsoorayaasha la cunaqabataynayo ay kasoo jeedo, ayaa ugu baaqday Midowga Yurub in si deg deg ah loo dhaqaajiyo sharciga ka hortagga cunaqabataynta Mareykanka ee loo yaqaan "blocking statute", si loo difaaco muwaadiniinta Yurub.
Cunaqabataynta ayaa keenaysa in la xayiro hantida ay garsoorayaashu ku leeyihiin Mareykanka, isla markaana laga saaro nidaamka bangiyada caalamiga ah.
ani waa tallaabadii ugu dambeysay ee Madaxweyne Donald Trump uu qaaday tan iyo markii uu mar labaad xafiiska la wareegay 2024, isaga oo marar badan weerar ku qaaday ICC.