Xalinta Khilaafaadka Maxalliga ah: Tallaabo Lagu Xoojinayo Kalsoonida Shacabka JSL

Thursday August 14, 2025 - 14:53:40
hadhwanaagnews
Waxaa xusid mudan in xalinta khilaafaadka noocan oo kale ahi aanay...



Safarkii magaalada Sallaxlay ee Wasiir Wasaaraddas Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, iyo weftigii uu hoggaaminayay ay ku tageen Sallaxlay 10-8-2025, ayaa astaan u ah muhiimadda ay leedahay dhegeysiga, dhexdhexaadinta, iyo xalinta khilaafaadka ka dhex dhaca golayaasha deegaanka. Waftiga oo ka koobnaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda, iyo masuuliyiin kale, waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xukuumadda waxqabad iyo wadajir in la xoojiyo hay’adaha deegaanka iyo in la ilaaliyo midnimada bulshada.

Waxaa xusid mudan in xalinta khilaafaadka noocan oo kale ahi aanay ahayn hawl sahlan. Waxay u baahan tahay dedaal, sabir, dhegaysi dhab ah, iyo rabitaan xal raadis leh. Wasiirka iyo waftigiisu waxay muujinayaan in hoggaamintu aanay ku koobnayn xafiisyada ee ay tahay in la tago goobaha ay dhibaatadu ka jirto, si toos ahna loola hadlo dadka ay arrintu khusayso.

     
Loading...