Waxa jira nootaayooyin qiimaha ay qoraan iyo xaqiiqda dhabta
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa sheegay in mudadii 7 bilood ee uu xilka hayay ay liisanka ka kala noqdeen 12 nootaayo, isagoo xusay in aanay u qalmin inay sii ahaadaan nootaayooyin.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in tallaabadani aanay ku joogsan doonin halkaas, balse nootaayo kasta oo shaqadiisa aan sax ahayn liisanka lagala noqon doono, xitaa haddii dalka ay ku hadhaan 5 nootaayo oo keliya.
Waxaanu yidhi."Nootayada xun waxa inoo dhaanta inay innaga xidhnaato, si aanay bulshada dhibaato iyo fidno ugaadhin.
Waxa jira nootaayooyin qiimaha ay qoraan iyo xaqiiqda dhabta ah kala duwan yihiin, kuwaasna waanu ku daba jirnaa waanuna kala xisaabtameynaa.
Laba iyo toban Nootaayo ayaanu liisanka kala noqonay mudada 7 bilooda ee aanu joognay, waxaanu u aragnay in aanay uqalmin inay Nootaayooyin sii ahaadaan halkaasi ku joojin mayno ee nootayo kasta oo aan sax ahayn liisanka ayaanu kala noqonaynaa, 5 Nootayo haddii ay dalka ku soo hadhayaan kuwaasi ayaa dalka ku soo hadhaya.”
Wasaaradda Caddaaladdu waxay ku adkaysanaysaa in bulshada laga ilaaliyo nootaayooyin aan hufnayn, iyadoo la hubinayo in dalka ay ku hadhaan kuwa sharci iyo tayo leh oo bulshadu ku kalsoonaan karto.