Wasiirka Wasaaradda, Eng.Axmed Jaamac Barre, oo kulanka soo gunaanaday,
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Habraaca Daryeelka iyo Taakulaynta Shaqaalaha, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, lana dhiirrigeliyo caafimaadkooda iyo wanaagga deegaanka shaqada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud, oo kulanka furay, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada habraacani u leeyahay tayaynta adeegyada shaqaalaha iyo kor u qaadidda kalsoonidooda, isagoo xusay inuu yahay tallaabo horumarineed oo waxtar u leh hay’adda.
Wasiirka Wasaaradda, Eng.Axmed Jaamac Barre, oo kulanka soo gunaanaday, ayaa ku tilmaamay habraacan mid muhiim u ah dhismaha nidaam cadaalad ku dhisan oo shaqaaluhu dareemaan in la qiimeeyo. Wasiirku wuxuu xusay in habraacu si degdeg ah u dhaqangelayo, iyadoo loo marayo hannaan hufan oo wada-tashi lagu saleeyey.
Kulankan waxaa si gaar ah u diyaarisay Waaxda Cududda Shaqaalaha ee Wasaaradda, waxaana fulinteeda kaalin mug leh ka qaadan doonta Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda