Shirkan, oo lagu qaban doono dhammaadka bil kasta magaalada Berbera,
Agaasimaha guud ee Wasaaradda xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga, Mudane Axmed Cismaan Jaamac (Talo-same), ayaa daah-furay shirkii billaha ahaa ee daneeyayaasha dhoofka xoolaha iyo madaxda wasaaradda.
Shirkan, oo lagu qaban doono dhammaadka bil kasta magaalada Berbera, ayaa qayb ka ah dardargelinta hawlaha wasaaradda iyo kor u qaadista adeegyada lagu hubiyo caafimaadka xoolaha marka ay dhoofayaan.
Waxa kale oo shirka ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, maamulka gobolka Saaxil, maamulayaasha maxjarada, dhakhaatiirta dhoofka xoolaha, ganacsato iyo daneeyayaal kale oo ku hawlan dhoofka xoolaha.