Maskaxda Xoolaha .

Wednesday October 08, 2025 - 12:20:34
hadhwanaagnews
Maxay tahay "Maskaxda Xoolaha"





Maskaxda Xoolaha: ogow sida bulshadu kugu maamusho adigoon ogeyn .

Hordhac

Dhagaha saar…
Indhaha xidh ilbidhiqsi.

Ka warran haddii wax kasta oo aad samayso — go’aamadaada, fikirradaada, iyo waxa aad u malaynayso in ay yihiin "aragtiyahaaga gaarka ah”
aanay dhab ahaantii adiga kaa iman?

Bal qiyaas in ay yihiin natiijo uu bulshada kugu riixayso si aan toos ahayn , qoyskaaga, asxaabtaada, saaxiibbada shaqada, xitaa dad aanad aqoon oo internetka ku jira.

Tani waa "Maskaxda Xoolaha”

cilmiga sharxaya sida bulshada u xakameyso qofka, iyada oo aan amar la bixinin ama xoog loo adeegsanin.

Maxay tahay "Maskaxda Xoolaha”

(Herd Psychology)?

Eraygani wuxuu ka yimid cilmiga nafsiyeed ee bulshada (social psychology).

Waxa uu tilmaamayaa sida bani’aadamku u jecel yahay in uu raaco dadka kale ,
isagoo aan fikirin si madax-bannaan, oo keliya sababtoo ah ma doonayo in uu ka duwanaado bulshada.

Maskaxdeenu tan iyo boqolaal sano hore waxay baratay in ka mid ahaanshaha bulshada = badbaado, halka ka duwanaanshuhu = khatar.

Waagii hore, qofkii ka go’a raxanta lamadegaanka ama kaynta… wuu dhiman jiray.

Maanta, qofkii ka duwanaada dadka kale aragti ahaan… waa la canaantaa, lagu qoslaa, ama bulshada ayaa ka fogeysaa.

Sidee ayuu saamaynta "raacitaanka xoolaha” ku bilaabmaa?

Wax walba waxay ku bilaabmaan si fudud:

1. Waxaad aragtaa koox dad ah oo isku raacsan aragti.

2. Waxaad ka cabsanaysaa in aad ka duwan tahay.

3. Waxaad si tartiib ah u beddeshaa fikirkaaga si uu ula mid noqdo kan dadka kale.

4. Ugu dambayn, waxaad illowdaa fikirkaagii asalka ahaa.

Cilmibaadhayaashu waxay ugu yeedhaan tan "is-bedelka caadada bulshada” (normative shift) , marka qofku dabeecaddiisa u waafajiyo dadka kale, xitaa haddii uu gudaha ka diidan yahay.

Tusaale nolosha casriga ah

Fur TikTok ama X (Twitter).
Waxaad arkaysaa in "trendka” maanta uu go’aaminayo waxa sax ah iyo waxa khaldan, cidda la jecel yahay iyo cidda la nacay.

Marar badan ma weydiino sababta uu fikrad siday u faaftay , waanu raacnaa, sababtoo ah
"qof walba wuu sameeyay sidaas oo kale”

Sidaas darteed, fikirkii madax-bannaan wuxuu isu beddelaa ku-celcelin bulsho, maskaxdii qofkana waxay noqotaa qayb yar oo ka mid ah mishiinka weyn ee loo yaqaan "aragti guud”.

Tijaabo caan ah oo muujisay runta

Dabayaaqadii 1950-meeyadii, saynisyahankii nafsiyeed Solomon Asch
ayaa sameeyay tijaabo caan ah.

Wuxuu koox dad ah tusay khadad kala dheer, wuxuuna weydiiyay midka ugu dheer.
Jawaabtu way cadayd… laakiin markii kooxdii oo dhan si ula kac ah u sheegtay jawaab khaldan,
qofkii bartilmaameedka ahaa isna wuu raacay, inkasta oo uu ogaa in ay khaldan yihiin!

Natiijada?
In ka badan 75% dadka waxay raaceen fikradda kooxda, xitaa marka ay khaldan tahay si cad.

Maxaan ugu hogaansanaa bulshada?

1. Cabsi kalinimo: qofna ma rabo in lagu yiraahdo
. "waa qof shisheeye ama diidan.”

2. Rabitaanka in la aqbalo: qof walba wuxuu doonayaa in lagu jecel yahay, xitaa haddii ay ku kacdo in uu bedelo caqiidadiisa., ama aragtidiisa ama rayigiisa.

3. Caajiska maskaxeed: fikir madax-bannaan waa shaqo adag, laakiin ku dayashada way fududahay

4. Cadaadis aan muuqan: bulshada uma baahna inay ku amarto , ku filan in ay ku qoslaan ama ku ceebayn.

Sidee bulshada kuugu xakamaysaa adigoon dareemin?

Marka aad iibsanayso telefoon sababtoo ah
"qof walba wuu haystaa telephone.”

Marka aad bedesho aragtidaada siyaasadeed kaddib "trend” cusub.

Marka aad aamusto adigoo og in xaqiiqda la qarinayo, cabsi darteed.

Dhammaan waa tusaalooyin barnaamij bulsho oo jilicsan , laguma khasbayo, balse maskaxda ayaa si tartiib ah loo qaabeeyaa.

Sidee uga xor noqon kartaa maskaxda xoolaha?

1. Had iyo jeer weydii "Sababta?”
Ha qaadan aragti adigoon fahmin.

2. Raadi ilo kala duwan — Ha ku tiirsanaan hal warbaahin ama hal qof.

3. Ka aqbal inaad ka duwan tahay — kala duwanaanshuhu waa calaamad garasho.

4. Iska fogee buuqa bulshada mararka qaarkood — fikir adiga oo kali ah si aad u ogaato waxaad dhab ahaan rumaysan tahay.


*Gunaanad:

Bulshada mar walba waxay isku deyaysaa in ay kaa dhigto qof la mid ah sawirkeeda.

Laakiin xasuuso: xooluhu ma abuuraan isbedelka , waa raacaan.

Taariikhdu ma xasuusato kuwii raacay dadka,
ee waxay xasuusataa kuwii ku adkaystay runtooda markay dadku dhammaantood qaldanaayeen.

Marka xigta ee aad aragto "hashtag” cusub ama fikrad si waalan loo wada faafinayo ,
istaag hal daqiiqo, weydii naftaada:

Tani ma anigaa rumeysan... mise waa waxa bulshada rabto inaan rumaysto?


Qalinkii:
Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...