Kulanka guddida qaban-qaabada shirka gogosha Nabadda Ceerigaabo ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddida Farsamo ee uu soo diray Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, ayaa ah tallaabo kale oo muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabadaynta iyo xasilinta gobolka Sanaag. Iyada oo labada guddi ay shalay xurunta Madaxtooyada ee Ceerigaabo ku yeesheen kulankoodii labaad.
Shirkan oo la filayo in uu dhawaan si rasmi ah uga furmo magaalada Ceerigaabo, waxa uu muujinayaa dedaalka joogtada ah ee labada dhinac: Xukuumadda wadajir iyo waxqabad iyo hoggaanka dhaqanka ee gobolka Sanaag iyo guud ahaan Somaliland ay ugu jiraan sidii loo dhisi lahaa kalsooni, wadatashi qaran oo dhab ah iyo in xal waara laga gaadho arrimaha amniga iyo nabadda ee deegaanada bari ee Somaliland.
Waxa kulanka lagu falanqeeyey qodobbo muhiim ah oo la xidhiidha habsami u socodka shirka, diyaarinta ajandayaasha, iyo sidii la isugu keeni lahaa dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso si cadaalad iyo dhexdhexaadnimo leh. Waxa sidoo kale la filayaa in shirka Ceerigaabo uu noqdo mid ka duwan shirarkii hore ee la midka ahaa, iyadoo la adkaynayo in gogosha nabaddu ay noqoto mid loo siman yahay, lagana fogaanayo eex iyo isu-dheellitir la’aan.
Dhammaan indhaha shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa gobollada bari, waxay hadda ku sii jeedaan magaalada Ceerigaabo, iyaga oo rejaynaya in shirkan uu noqdo mid horseeda xasillooni, midnimo qaran, iyo in laga gudbo madmadow kasta oo suuro-gal ah in uu kala fogeeyo bulshada gobolka Sanaag iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland.
Falanqaynta Wargeyska Dawan waxay si weyn ugu bogaadinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ah hormuudka gogashan nabadeed iyo dhammaan dhinacyada ku hawlan qabanqaabada shirka. Guddida qaban-qaabada shirka gogosha nabadda ayaa muddooyinkii u dambeeyay si hagar la’aan ah uga shaqeynayay hirgelinta shirkan, iyagoo geesinimo iyo dadaal ballaadhan ku muujiyey hawl-socodsiintiisa iyo xoojinta xasiloonida gobolka. Waxay mudnaan gaar ah siiyeen danaha guud ee qaranka, iyaga oo ka fogaaday dano gaar ah iyo siyaasado kale oo wax u dhimi kara kalsoonidsa shirkan. "Nabaddu waa tiirka horumarka, waana waqtigii la gaadhi lahaa midnimo iyo isfaham dhab ah.”