hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo midnimada, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
Madaxweynaha oo shacabka Hargeysa kula tukaday Salaaddii Ciidul-Fidriga, ayaa carrabka ku adkeeyay in midnimada bulshada ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimo, isla markaana aanay jirin dowlad horumar gaadhi karta haddii shacabkeedu kala qaybsan yahay.
"Shacbigayga waxaan ugu baaqayaa inay ilaashadaan nabadooda iyo midnimadooda. Nabaddu waa nolosha, noloshuna waa nabadda, midnimada shacbiguna muhiim bay noo tahay. Dowlad hanaqaadi kartaana ma jirto haddii shacbigeedu midaysnayn," ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta shacabka iyo laamaha ammaanka, si loo xoojiyo xasilloonida iyo badbaadada dalka.
Baaqan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ah ee xukuumadda Somaliland ugu jirto ilaalinta nabadda, xoojinta midnimada, iyo dhismaha dowlad adag oo waarta.