Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa 19-kii bishan August 2025, si rasmi ah xadhigga uga jaray Mashruuca Biyo Ballaadhinta magaalada Berbera, mashruucaas oo Madaxweynuhu uu dhagax-dhigay bishii March 2025, isla markaana gebi ahaanba ay maalgelisay xukuumadda Somaliland ee waxqabad iyo wadajir. Mashruucan muhiimka ah ayaa ah tallaabo muuqata oo lagu xaqiijinayo ballanqaadyadii xukuumadda ee ku saabsan horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Muhiimadda Mashruuca ee Nolosha Bulshada
Mashruucan Biyo Ballaadhinta magaalada Berbera ayaa si toos ah uga jawaabaya baahida sii kordheysa ee magaalada Berbera ay u qabto helista biyo nadiif ah oo ku filan, taas oo ah magaalo xeebeed istiraatiiji ah, isla markaana ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha iyo ganacsiga Somaliland. Korodhka dadka, kobaca ganacsiga iyo horumarinta kaabeyaasha magaalada ayaa keenay in adeegyada biyuhu ay noqdaan kuwo aan ku filnayn baahida bulsho ee magaalada. Mashruucan ayaa daboolaya baahidaas, isagoo hagaajinaya helitaanka biyo nadiif ah, sare u qaadista caafimaadka bulshada, iyo xoojinta tayada nolosha muwaadiniinta ah.
Saameynta Dhaqaale iyo Ganacsi:
Biyo la’aantu waxay si toos ah u saameysaa ganacsiga, kalluumeysiga, warshadaha yar-yar, iyo adeegyada kale ee magaalada. Mashruuca ballaadhinta biyaha magaalada Berbera, waxa uu ka qayb qaadanayaa in la xoojiyo dhaqaalaha deegaanka, iyadoo ganacsatada iyo bulshadu heli doonaan adeegyo aasaasi ah oo joogto ah. Taas waxaa ka dhalanaysa korodh ku yimaada wax-soo-saarka, yareynta kharashaadka iyo dhiirrigelinta maal-gashiga gudaha iyo kan dibadda.
Hoggaan Ka Dhabeynaya Ballanqaadkiisa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar kale muujiyey sida uu uga go’an yahay in uu ka dhabeeyo ballanqaadyadii uu bulshada u sameeyay xilligii ololaha doorashada. Mashruuca Biyo Ballaadhinta Berbera, oo hadda si rasmi ah xadhigga looga jaray, ayaa caddeyn u ah fulinta ballanqaadyadii xukuumadda ee ku salaysnaa qorshe-hawleedka xukuumaddiisa ee "Wadajir iyo Waxqabad”, kuwaas oo hadda si muuqata u hirgelay. Isla markaana ay bulshada reer Somaliland maanta ka markhaati kacday in si buuxda loo fuliyey.
Munaasibadda xadhig-ka-jarka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu Mashruuca Biyo Ballaadhinta Berbera u leeyahay nolosha bulshada reer Berbera. Mashruucan ayaa si muuqata uga jawaabaya baahida dhinaca biyaha ee bulshada reer Berbera, isagoo muujinaya in fulinta ballanqaadyadu aanay ku ekaan hadal kaliya, balse ay ku saleysan tahay waxqabad dhab ah oo bulshada u horseeda horumar iyo nolol wanaagsan. Bulshada iyo mas’uuliyiinta gobolka ayaa markhaati ka ah in hoggaaminta Madaxweynaha JSL ku saleysan yahay ka jawaabista baahiyaha dadweynaha, hirgelinta adeegyada aasaasiga ah, iyo dhisidda kalsooni bulsho.
Hoggaan noocan ahi wuxuu tusaale cad u yahay in dowladnimadu ay ku dhisan tahay fulinta ballanqaadyada, isla markaana uu hoggaanku yahay mid ku dhow bulshada, u adeegaya danaha guud, kana shaqeynaya horumarka muuqda ee dalka.
Is-dhexgalka Bulshada iyo Dowladnimada:
Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa sidoo kale ahayd fursad ay bulshadu si toos ah ula falgashay Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta gobolka, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida shacabka ee hoggaanka qaranka. Is-dhexgalkan wuxuu caddeynayaa in hoggaaninta Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku uu ku saleysan yahay dhageysi, wada-tashi iyo ka qaybqaadasho bulsho.
Gabagabo:
Mashruuca Biyo Ballaadhinta Berbera wuxuu calaamad u yahay horumar waara, adeeg bulsho oo la taaban karo, iyo hirgelinta ballanqaadyada xukuumadda ee horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo kaabeyaasha muhiimka ah. Waxay sidoo kale muujinaysaa sida Madaxweynaha qaranka uga go’an tahay horumarinta iyo daryeelka nolosha shacabka, horumarinta dhaqaalaha, iyo dhisidda bulsho caafimaad qabta oo ku tiirsan adeegyada aasaasiga ah. Berbera maanta waxay u taagan tahay tusaale cad oo muujinaya in horumar la taaban karo laga gaadhi karo qorsheyaal cad iyo fulin hufan.