Tartanka Kubadda Cagta ee Jaaliyadaha: Tallaabo Lagu Xoojinayo Isdhexgalka Dhalinyaradda iyo Qowmiyadaha

Tuesday August 19, 2025 - 11:12:41
hadhwanaagnews
Tartankan waxa uu leeyahay muhiimad gaar ah oo ka badan ciyaar,,,


 Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo muhiimad weyn u leh is dhex galka dhalinyarada iyo qawmiyadaha kala duwan ee ku nool Somaliland, iyada oo diyaarisay qabashada tartankii ugu horreeyey ee jaaliyadaha dalka ku nool ee kubadda cagta, waxaana munaasibadda qori tuurkiisa si rasmi ah loogu sameeyay xafiiska Agaasimaha Guud ee wasaaradda mudane Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Jiidhi. Waxaa munaasabaddaas hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, Agaasimaha Waaxda Garoomada, La-taliyaha Wasiirka Ciyaaraha iyo Isu-duwaha Gobolka Maroodi-jeex.

Tartankan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah abid, waxa ka qaybgelaya jaaliyado ka kala socda 10 dal oo kala duwan, kuwaas oo kala ah: Kenya, Sudan, Syria, Yemen, Ethiopia, India, Djibouti, Masar, Uganda iyo Bangladesh. Ciyaarta furitaanka tartanka ayaa dhawaan bilaabmi doonta, iyadoo xiisaha iyo firfircoonida ciyaartoyda iyo taageerayaasha labadaba la filayo inay sare u qaaddo.

Tartankan waxa uu leeyahay muhiimad gaar ah oo ka badan ciyaar kubadeed oo keliya. Waxa uu xoojinayaa is-dhexgalka jaaliyadaha ku nool dalka, sidoo kalena waa fursad dahabi ah oo kor u qaadaysa xirfadaha iyo dhaqanka ciyaaraha Somaliland, isla markaana abuuraya jawi saaxiibtinimo iyo walaaltinimo dhex mara dhalinyarada ajaanibta ah iyo kuwa reer Somaliland.

Tani waa talaabo lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada, lagu dhisayo bulsho midaysan oo is faham iyo is taageero ku dhisan, isla markaana lagu hormarinayo ciyaaraha iyo dhaqanka isboortiga ee dalka. Tartankani waxa uu noqon karaa bilowga taxane ah oo jaaliyadaha u saamaxaya inay ku mideeyaan hibadooda ciyaareed, isla markaana abuura fursado lagu dhiso xirfado cusub iyo saaxiibtinimo caalami ah.
     
Loading...