Gogosha Nabada Ceerigaabo: Tallaabo Taariikhi ah oo Dib u soo Celinaysa Wadajirka iyo Midnimada Sanaag

Tuesday October 21, 2025 - 11:53:08
hadhwanaagnews
"Dadka reer Ceerigaabo iyo Sanaag ee gobta ah ee maanta waxay garteen



Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Maxamed Buraale, oo safar ku tegay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa sheegay in bulshada walaalaha ah ee wada deggan Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag ay hadda fahmeen in khilaafaadkii iyo kala fogaanshihii hore loo dhex dhigay ay ahaayeen arrimo dibadda laga soo abaabulay oo aanay iyagu asal ahaan ka imaan.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in kala fogaanshihii bulshada magaalada Ceerigaabo uu sababay arrimo uu shaydaan ku adeegayay, isagoo ku sifeeyay wax laga xumaado oo hakad ku keenay horumarkii gobolka. Waxa uu xusay in halka gobollada kale ee Somaliland ay ku tartamayaan dhinacyada maalgashiga, horumarka iyo xoojinta nabadda, gobolka Sanaag uu dib u dhac ku yimid sababo la xidhiidha khilaafaad aan faa’iido lahayn.

"Dadka reer Ceerigaabo iyo Sanaag ee gobta ah ee maanta waxay garteen wixii lagu soo dhex tuurey inay iska dhex qaadaan, waan bogaadinayaa. Wax iyaga ka yimi ma ahayn wax Shaydaan ka adeegay ayay ahayd. Waxaasi waxay hor istaageen inay la tartamaan gobolada kale ee dalka, waana wax aad looga xumaado in halkii gobolada kale ku baratamayaan Maalgashi in inagu aan ka hadalno nabadgaliyo”Wasiirka Maalgashiga JSL mudane Siciid Sheekh Maxamed Buraale ayaa hadalkan ka sheegay mar maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo.

Wasiirka iyo weftigiisa oo safar ka soo bilaabay caasimadda Hargeysa ayaa lagu soo dhaweeyay duleedka Ceerigaabo, halkaas oo ay ku qaabileen masuuliyiinta maamulka gobolka Sanaag, kuwa degmada, cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka.

Magaalada Ceerigaabo ayaa haatan waxa taal gogol nabadeed oo uu dhigay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, si dib loogu soo celiyo kalsoonidii iyo wada-noolaanshihii bulshada deegaanka ee ay saamaysay colaadihii iyo isfahan-darradii hore uga gobolada Bariga Somaliland.

Tan iyo markii madaxweynuhu ku dhawaaqay gogosha nabadeed, waxaa magaalada ku qulqulaya ergooyin matalaya beelaha walaalaha ah ee gobolka, kuwaas oo ka shaqeynaya sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonida iyo midnimada bulshada.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu toddobaadkan, maalinta Salaasada, safar dhinaca cirka ah ku tago Ceerigaabo, halkaas oo uu ka furayo wejiga labaad ee wada-hadalada nabadda ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale, Suldaanka guud ee beelaha Warsangeli, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, ayaa isna lagu wadaa inuu yimaado magaalada si gogosha nabadeed loo dhammaystiro loona xaqiijiyo heshiis buuxa oo lagu soo afjaro khilaafaadkii gobolka.

     
Loading...