Madaxweynaha oo ka Hadlay Guulaha Safarkiisii Kenya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,

Wednesday June 04, 2025 - 12:15:06
hadhwanaagnews
Sidoo kale, waxa uu sheegay in kulamadii uu la yeeshay



Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo shalay ka soo laabtay socdaal hawleed oo uu muddooyinki u dambeeyay ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa sheegay in dhammaan kulamadii uu la yeeshay madaxda dalka Kenya ay ahaayeen kuwo guul ku soo dhammaaday.

 

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa kale oo uu sheegay in kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, uu ahaa mid midho-dhal ah, isla markaana ay isku afgarteen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

 

Sidoo kale, waxa uu sheegay in kulamadii uu la yeeshay wakiillada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairopi ay ahaayeen kuwo taariikhi ah, isla markaana ay ka mid ahaayeen kulamadii ugu guulaha badnaa intii uu joogay Nairopi, isaga oo xusay in beesha caalamku ay Somaliland, ku bogaadisay nabadaynta ay ka samaysay gobolladii ay colaaduhu ka dhaceen.

 

Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Somaliland waxyaabaha loogu soo joogsado ee lagu tixgeliyo waxa ka mid ah doorashadii dhowaan dalka ka dhacday, xasilinta amniga, iyo qaramaynta ciidanka madaniga ah oo ay dunidu wax weyn u aragto. Sidoo kale dunidu waxay la socotay in aynu Ceel-afweyn aynu nabad ka dhignay.”

 

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu intaasi ku daray in dunidu ay Somaliland si weyn ugu soo jeedsanayso haddii ay nabadda sii ilaaliso, isla markaana ay shacabkeedu muujiyaan midnimo iyo isku duubni. Waxaanu yidhi. "Somaliland labadaas ayay ku iibsamaysaa”

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay xoogga saarayso xoojinta xidhiidhka ay la leedahay waddamada gobolka ee muhiimka u ah Somaliland, isaga oo xusay in kadib safaradii uu ku tegay Jabuuti iyo Kenya, uu safarkiisa saddexaad dhowaan ku tagi doono Itoobiya.

 

Gaba-gabaddii waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay bulshada reer Somaliland ee doortay, isaga oo sheegay in marka uu dhammaado muddo-xileedkiisu aan saacad dheeraad ah loogu dari doonin, isla markaana uu doorashada ku qaban doono wakhtigeeda.

 

 

     
Loading...