IGAD, Midawga Afrika iyo Beesha Caalamku Dib ha u Eegaan Taageerada la siiyo Soomaaliya ee ay kula Dagaalanto Somaliland

Monday June 02, 2025 - 15:07:58
hadhwanaagnews
Balse taa bedelkeeda Soomaaliya waxaa ka jiray inta Somaliland....


Tan iyo la soo noqoqashadi madaxbanaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland 1991-dii. Waxay dawladda Somaliland ku hawlanayd dib u dhiska dalkeeda iyo xidhiidhada ay dawladaha caalamka la yeelanayso oo marba heer marayay imikana soo gaadhay xilli dawladaha dunidu ay usoo kala dheeraynayaan xidhiidh ay la yeeshaan Somaliland iyo goleyaasha dooda iyo baarlamaanada dawladaha caalamka oo ku adkaynaya dawladahooda in ay aqoonsadaan Somaliland.

 

Maalintii ay Somaliland madaxbanaanideeda kala soo noqotay dawladii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya,Somaliland marna may faro gelin hawlaha iyo qorsheyaasha dawladda Soomaaliya oo intay Somaliland madaxbanaanideedka kala soo noqotay magacyo badan la baxday xilligan nak u shaqaysa magaca dawladda Federaalka Soomaaliya.

 

Balse taa bedelkeeda Soomaaliya waxaa ka jiray inta Somaliland ay dawladnimadeeda kala soo noqotay illaa xiligan qalalaase dagaalo sokeeye,hoggaamiye kooxeedyo iyo kooxo argagixiso iyo hoggaanno madaxnimada dalkaas loo cumaamado oo aan meel dhaafsiisan madaxtooyadiisa aan ka talin.

 

Dhammaan madaxda soo martay kuwa hadda jooga iyo inta ku mucaaridka ah iyo kooxaha ka dagaalama oo dhamaantood isku wada cadaw ah oo aan heshiis ku ahayn sidii ay dadkooda uga saari lahaayeen dhibaatada iyo colaadaha ku dhawaad 40 sano ay la deriska yihiin ayaa waxa keliya ee ay heshiiska ku yihiin waxay tahay dagaalka ay ku hayaan Somaliland.

 

Madaxda iyo siyaasiyiinta iyo kooxaha wada jooga Soomaaliya ee 35 sano taageerada caalamka iyo gurmadka dunidu ku socday ee aan wali gaadhin in ay nabadgelyada guryaha ay degen yihiin ay hantaan ee ciidamada Afrika ay waardiyeenaan wali kamay tanaasulin in ay cadaw ku ahaadaan Somaliland,halka Somaliland marar badan ay fagaareyaal kala duwan oo caalamka ah ka sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Somaliland iyo Soomaaliya ahaadaan laba dal oo deris wanaag iyo walaalnimo ku wada noolaada isla markaana ka wada shaqeeya nabadgelyada labadooda shacab.

 

Taa bedelkeeda Madaxda Soomaaliya oo maalin kasta dhiigga shacabkoodu ku daadanayo albaabka Madaxtooyada Muqdisho waxa kelliya ee ay awoodda saareen waa dagaalka dhan walba ah ee ay ku soo qaadeen Somaliland iyagoo gaadhay in ay yidhaahdaan dalka madaxda Somaliland qaabila xidhiidhka ayaan u jaraynaa.

 

Haddaba Madaxda Soomaaliya inta ay cadaw ka dhiganayaan Somaliland ee ay waliba ku wada socdaan cadaawada Somaliland iyaga iyo kooxaha ay dagaalamaan taasi waxay ka dhigan tahay in ujeedadoodu ay tahay NABADNA DOONI MAYNO CID KALE OO NABAD KU NOOL NA DOONI MAYNO.

 

Maanta Somaliland waxay maraysaa halkii ugu saraysay dhanka xidhiidhka dublamaasiyadda dawladaha caalamkana si wayn ayay isugu soo dhawaanayaan madaxda gadhwadeenka ka ah Xukuumadda Somaliland oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland na waxay caddeeyeen in la gaadhay xiligii caalamku aqoonsan lahaa Somaliland oo la saadaalinayo in dalka Jamhuuriyadda Somaliland sannadkan intaanu dhammman in ay dawladaha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa.

 

Hadaba isdiidenaeyaasha Soomaaliya isku haya ee isku raacsan cadaawada iyo dagaalka ay kula jiraan Somaliland,marka ay xaqiiqada Somaliland iyo guulaha ay ku tallaabsatay ay arkaanba waxaa isa soo taraysa qaylada ay durba kaga fal celiyanaan wax kasta oo guul ah oo Somaliland usoo kordha markaa madaxda iyo kooxaha Soomaaliya arrinkoodu wuxuu yahay ha noolaan hadaad iga go’day.

 

Halka Somaliland arrinkeedu uu yahay Somaliland iyo Soomaaliya laba dal oo deris iyo walaalo ah ee wada noolaada.

 

Haddaba waxaa la gudboon guud ahaan bulshada Somaliland in ay ogaadaan in madaxda iyo mucaaridka iyo kooxaha ay is hayaan ee Soomaaliya ba ay yihiin cadawga Somaliland iyo in ay ka gaashaantaan talllaabooyinka nolol diidka ah ee maamulka Muqdisho uu ku hawlan yahay.

 

Waxaa kale oo la gudboon dawladaha deriska (IGAD) Midawga Afrika iyo beesha caalamka ba in ay dib u eegaan Madaxda Soomaaliya ee taageerada dunida ka dhigtay hub ay kula dagaalamaan Somaliland isla markaana aan naf u haynin dadka ay madaxda u yihiin.

 

Waana in dunidu ka soo gaadho Shacabka Soomaaliya madaxda ma naxaanka ah ee taageerada beesha caalamka ku gumaada dadkooda cadawgana ku ah Somaliland.

 

cid kasta oo cadaw ku ah Somaliland waxaa kale oo ay cadaw ku noqon kartaa isla markaana ay halis ku tahay nabad gelyada mandaqada iyo dawadnimo wanaagga.

     
Loading...