Go'aankii Guddida Tacliinta Sare: Ilaalinta Tayada iyo Sumcadda Waxbarashada Somaliland

Saturday August 16, 2025 - 10:15:29
hadhwanaagnews
Guddidu waxay sheegtay in baadhitaanno qoto dheer lagu sameeyay



Go’aanka ay Guddida Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ku xidhay afar jaamacadood oo si sharci-darro ah uga hawlgalayay dalka, kuwaas oo kala ahaa Buubaal University, Islamic Online University, Mount Kenya University, iyo Hope University, waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo tayada iyo sumcadda waxbarashada sare ee dalka. Tani waa arrin mudan in lagu bogaadiyo, iyadoo ah bilow wax-ku-ool ah oo lagula dagaallamayo bahdilka iyo burburinta nidaamka tacliinta sare.

Waxaa muuqata in jaamacadahani horey loo xidhay, balse si dhuumasho ah dib ugu bilaabay hawlaha waxbarasho, taas oo muujinaysa baahi weyn oo loo qabo kormeer joogto ah iyo fulinta sharci adag. Waxay sidoo kale muujinaysaa halista ay leeyihiin hay’ado waxbarasho oo aan haysan ruqsad sax ah, taas oo ah halis taabanaysa mustaqbalka ardayda, dhaqaalaha waalidiinta, iyo sumcadda qaranka.

Guddidu waxay sheegtay in baadhitaanno qoto dheer lagu sameeyay jaamacadahan, taas oo caddayn u ah in go’aankani aanu ahayn mid degdeg ah ama siyaasadeysan, balse uu salka ku hayo daraasado iyo xogo dhab ah oo muujinaya in hay’adahani aanay u hoggaansamin nidaamka waxbarasho ee dalka.

Waxaa muhiim ah in waalidiinta iyo ardayda la wacyi-geliyo si aanay ugu dhicin jaamacado been abuur ah oo aan wax qiime ah ugu fadhiyin suuqyada waxbarashada ee gudaha iyo dibaddaba. Sidoo kale, jaamacadaha rasmiga ah ee dalka ka diiwaan gashan waa in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda si ay u noqdaan kuwo tusaale u ah nidaam waxbarasho oo tayo leh.

Ugu dambayn, dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto dib u eegista iyo nidaaminta hay’adaha waxbarashada sare waa mid la taageeri karo, balse waa in ay noqotaa mid joogto ah, caddaalad ah, isla markaana laga fogeeyo dano gaar ah. Mustaqbalka Somaliland wuxuu ku xidhan yahay arday leh aqoon sax ah, jaamacado sumcad leh, iyo nidaam waxbarasho oo hufan.

     
Loading...