Somaliland Shalay & Maanta. Qalinkii: Cali Biixi

Wednesday December 10, 2025 - 14:40:32
HADHWANAAGNEWS
Cadow dibadeed oo arrimaha ku lug lehna ma jirin


Loollanka Geopolitics-ka, Bariga Afrika & Digniinta Boorama**

Dhibaatadii dhawaan ka dhacday magaalada Boorama waxay u muuqatay dhacdo ka badan iska horimaad kooban oo bulsho dhexdeeda ah; waxay ahayd daahfur ku saabsan heerka cusub ee khatarta, siyaasadda gobolka iyo loollanka cududaha shisheeye ee maanta ku hareeraysan Somaliland. Waxay siisay ummadda Somaliland fursad ay ku aragto farqiga u dhexeeya Somaliland-tii shalay oo khilaafaadku ahaayeen kuwo gudaha uun ka dhasha iyo Somaliland-ta maanta oo dhex fadhida miiska quwadaha caalamka.

Somaliland-tii Hore: Nabad lagu dhayalsan karo

Muddo sanado badan ah, mushkiladaha gudaha Somaliland waxa lagu xallin jiray gudaha.
Haddii xiisad timaaddo:

Odayaashu way dhex geli jireen

Dhaqanku wuu shaqayn jiray

Dawladdu si toos ah bay ula tacaali jirtay

Cadow dibadeed oo arrimaha ku lug lehna ma jirin


Xaaladdu waxay ahayd mid u dhow "nabad aan la dareensanayn”, waayo Somaliland shalay ma ahayn goob ay quwadaha shisheeye isku hayaan danaha danbe ee gobolka.

Somaliland-ta Maanta: Bartamaha Loollanka Caalamiga ah

Maanta sidaas ma aha.
Geopolitics-ka ka socda Geeska Afrika
oo ah goob uu ku kulmo:

loollanka quwadaha waaweyn,

danaha marin-biyoodka Badda Cas ee Berbera.

dagaallada shidaalka,

tartanka dekedaha iyo marinno istaraatiji ah,

iyo qorsheyaal qarsoon oo xuduudeed.

ayaa Somaliland ka dhigay dal ay indhaha quwaduhu ku jeedaan. Taasi waxay ka dhigan tahay in:

khilaaf kasta oo gudaha ahi uusan sii ahaan karin arrin u gaar ah deegaankaas.

balse uu degdeg u yeelan karo cilaaqaad dibadeed, saameyn goboleed iyo faragelin shisheeye

Sudan waxay u burburtay dagaallo ay quwado shisheeye dab ka dhex shideen.
Somalia weli kama soo kaban loollanka dalal iskugu jira istaraatijiyad iyo dano dhaqaale.

Somaliland waa in ay dhacdooyinkaas ka barato cashar:
Mushkiladda maanta la furo waxay noqon kartaa musiibo berrito lagu qoomameeyo
haddii aan feejignaan iyo midnimo la yeelan.

Dhibaatada Boorama: Calaamad ka weyn intii la moodayay

Boorama waa magaalo xasilloon oo astaan u ahayd degganaanshaha galbeedka Somaliland.
Haddana, wixii ka dhacay waxay ahaayeen:

digniin ku saabsan in dad shisheeye ama danaha shisheeye ay ku loollamayaan gudaha,

isku day in la abuuro xaalad la mid ah tii Laascaanood,

isku day lagu doonayay in la shakiyo, la kala fogeeyo bulshooyinka walaalaha ah,

dab la doonaayay in laga shido meel u nugul amniga qaranka.

Xukuumaddu, sirdoonka iyo bulshada deegaanka waxay muujiyeen in ay hore u tuhunsanaayeen dhaq-dhaqaaqyo aan caadi ahayn, taasoo sababtay in shirqool la sheegay uu ku burburo goor hore.

Boorama waxay noqotay tusaale muujinaya:
In Somaliland maanta aysan ka badbaadayn isku dayo gudaha ka bilaabma, balse shisheeye dhaqaajinayo.

Horumarka Berbera: Sababta ugu weyn ee weerarka siyaasadeed

Marka deked istaraatiji ah oo sida Berbera ah horumar sameyso:

ganacsiyada caalamku way soo jeestaan,

marinno cusub baa la furaa,

danaha gobolka ayaa is beddela,

quwadaha qaarna waxay bilaabaan in ay ka baqaan koboca dalka yaryar ee madax-bannaan.

Berbera maanta waa:

marin-biyood la tartami kara dekedaha gobolka,

meel u dhow Bab-el-Mandeb oo ah halbowlaha ganacsiga dunida,

deked istaraatiji ah oo mustaqbal ahaan ka mid noqon karta kuwa ugu muhiimsan Afrika.

Taasi waa sababta ay qaar u rabaan in Berbera noqoto sida dekedda La Berbera Jabal Cali ee Dubai oo burburtay, dagaalna sababay.
Iyo sababta ay u jiraan kuwa doonaya in Somaliland dib loogu celiyo xaalad qas ah, si aanay u gaarin heer istaraatiji ah oo muhiim u noqon kara gobolka.

Horumarka Somaliland baa laga dagaalamayaa , xasilloonidana waa la bartilmaameedsanayaa.

Baaqa Nabadda: Awdal & Salal : Labada Garab ee Midnimada Somaliland

Reer Awdal iyo Salal waa isku ab, isku dal, isku sharaf.
Waa dad leh:

dhaqan nabadeed,

odayaal xikmad leh,

aqoon iyo biseyl siyaasadeed,

iyo maskaxdiisa diidan colaadda aan micnaha lahayn.

Dagaal wiil baa ku dhinta, wiilna kuma dhasho.
Nabadduna waa dhaxalka ugu qaalisan ee ummad ay ka tagto.

Waxaan ugu baaqayaa bulshada labada gobol:

1. Inay nabaddooda ilaashadaan.

2. Inay ka fogaadaan dabin kasta oo ka imanaya dano aan iyaga u horseedi doonin wax faa’iido ah.

3. Inay la shaqeeyaan dawladooda iyo ciidankooda amniga

4. In ay ku adkaadaan wada-hadalka iyo garawshiyaha oo ah astaantii Somaliland nabad ku dhisantay.

Gunaanad: Somaliland waxay u baahan tahay feejignaan, midnimo & aragti fog

Somaliland maanta waa dal dhex mushaaxaya loollanka aduunka, dal horumarkiisa la tacaalaya cadow badan, dal u baahan:

feejignaan

isku duubni

talo-wadaag

iyo in mushkilad kasta lagu xalliyo sidii ay shalay u xallin jirtay, laakiin iyadoo og xaalka cusub ee gobolka.


Somaliland shalay iyo maanta waa laba dunood oo ka duwan,
laakiin hal qodob ayaa midayya:

Nabaddu waa hantida ugu qaalisan ee aynu leenahay , haddii aynu ilaalino, horumar baa imanaya; haddii aynu dayacno, cadaw baa ka faa’iidaysanaya.


Qalinkii: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...