Maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa, oo ka hadlay halka uu marayo qorshaha labaad ee biyo balaadhinta caasimada Hargeysa.

Thursday May 29, 2025 - 13:49:28
hadhwanaagnews
Waxaanu yidhi."Ceelkani waa kii afraad ee muddo kooban....
May be an image of 1 person, dais, newsroom and text that says 'Golar Mohamed Ali Darod Maareeyaha MoareeyahaWakaaladda Wakaaladda BIy aha Hangeysa'


Maareeyaha wakaallada biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in wajiga labaad ee biyo balaadhinta caasimada Hargeysa, lagu furi doono lix ceel.

Waxa uu xusay in bisha lixaad sodonkeeda, la tijaabin doono dhuumaha iyo barkadaha biyaha siin doona caasimada haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Waxaanu yidhi."Ceelkani waa kii afraad ee muddo kooban aynu ku hirgelino, biyihiisuna ay fiican yihiin.
Waxna waa ceelashi iyo biyihii la soo kordhineyay waxna waa weelkii gudaha, dhuumamkii biyaha qaadayay iyo barkadihi, marka 166-km iyo lixdii barkadood, tijaabadoodana sirasmiya loo bilaabi doono haddii ILLAAHEY yidhaadhdo 30/6/2025-ka.

Tallaabada kaliya ee innagu hadheysa waxay tahay in lix aynu ku furno wajiga labaad ee biyo balaadhinta caasimada Hargeysa, Ceelkastaba meelbu ku yaala, marka dhawaan waxa aanu idin soo hordhigi doona adiga iyo madaxweynaha qorshihi ceelashaasi biyaha loogu soo ururinlahaa"
     
Loading...