Beenta Kooxdda Sabeeye Iyo Runta ( Abdi-Shotaly).

Thursday May 22, 2025 - 17:57:37
hadhwanaag
Ugu horayn waxaan doonayaa in aan qeexo Kelmadda Aargoosi:

Afeef:- Qoraal-kani maaha mid ku socdda Subeer Awal ee waa mid ku kooban kooxdda Sabeeye oo keliya, ee isku day in aad dhamaysato.

Maalmahan Danbe waxa jiray in ay koox Beel ka mid ah Beelaha Somaliland ay kaga cabanayaan Hayadaha iyo Wasaaradaha Dawlada. Runtii wakhti umaan helin in aan Buuga akhriyo, laakiin maanta ayaan wakhti u helay in aan akhriyo Buuga. Hadaba, Buugan la magac baxay Beegsiga iyo Aargoosiga waxa ka muuqda degdeg, ceebayn iyo masuuliyad daro, gaara ahaan Buuga page-ka 31aad waxa lagaga hadlay Wasaarada Gaashandhiga, Waxaana lagu xusay Magacayga iyo xilalka aan ka war hayo.

Hadaan ka yara faaloodo buuga ay soo bandhigtay Beesha Subeer Awal, buugaas oo beeshu u bixisay BEEGSI IYO AARGOOSIGA BEESHA.

Ugu horayn waxaan doonayaa in aan qeexo Kelmadda Aargoosi:- Aargoosi waa qof Hagagar-daamo gaystay oo qofkii kale ee loo gaystay Haragar-daamadu uu ka aaroosanayo dhib-gaystah!. Marka qofku yidhaado waa layga aaargoosanayaa waxa uu isku qirayaa in uu dhib gaysatay isagu markii hore. Inata aan ogahay Beesha Subeer Awal cid ay Hagaradaamo ugaysateen iyaga oo qabiil ah garan maayo laakiin maamulkii ka soo jeeday baa geystay, iyaka oo Askariggii ku ilaali-naayey kursiga xumaantii uu geystay.

Qoraal-kan waxaan ku koobii doonaa uun Wasaarada Gaashandhiga. Inkastoo waxa laga qoray Wasaarad gaaashandhiga ay xaqiiqada aad uuga fog-yihiin hadana waxaan ka jawaabi doonaa afarta qodob ee Beesha barakaysan ka cabanayso. Waxayna kala yihiin afarta Qodab:-

1. Agaasimaha mashruuca diwaan-galinta Ciidamada kala duwan ee Qaranka oo si gaar ah magacayga lagu xusay
2. Nin lagu sheegay la-taliyaha miinada oo laga ereryay wasaarada
3. Shirkada dhistay xafiisayadda waaxda Isku Xidhka Laamaha Amniga
4. Shirkada qaadatay qandaraaska software-ka iyo servers-ka Diiwaan-galinta.

Hadaba inta aanan u galin qodoba-daas aan soo sheegay aan idin yara fahansiiyo wasarada Gaashandhiga iyo difaaca qaranaka waax-yaha ay u qaybsanto iyo shaqaalaha ka howgala. Waan soo baadhay
Shaqalaha wasaarada Gaashandhiga oo aan soo baadhay ee ka hawl galaa waa 270 qof.
240 ka mid ah shaqaalaha wasaaradu waa beesha Habar Awal una badan Beesha Sacad muse ee Buuga qortay! 30-ka qof ee soo hadhaayna waxay ka soo jeedaan dhamaan beelaha kale ee Somaliland!

Wasaaradda Gaashaandhiga waxa ka howl gala 9 Agaasime waxaad. 6 agaasime waaxeed waa beesha Habar Awal gaar ahaan Sacad Muse. 3 da Agaasime ee soo hadhayna waxay ka soo jeedaan Beelaha kale ee Somaliland!

Sidoo kale wax jira 9 agaasime Ku-xigeen. 4 agaasime ku xigeen waa beesha Habarawal gaar ahaan Sacad Muse, waxa ku jira 1 Ciise Muse ah. 5 ta kale ee soo hadhayna waxay ka soo jeedaan dhamaan Beelaha kale ee Somaliland!
Taas oo ka dhigaysa tirada guud ee Agaasimeyaasha iyo Ku-xigeenada beesha cabanaysa 10 xubnood iyo hal la-taliye. Halka beelaha Somaliland dega oo dhanna ay u soo hadhay sagaal xubnoo oo ku xigeeno u badan iyo hal la-taliye.

Hadaba aynu usoo noqono Afatrii qodob ee Beeshu ka cabanaysay:-

Qodobka 1aad ee Agaasimaha Isku xidhka Laamaha Amniga Qaranka. Beeshu cabasha-deedu waxay ku soo koobtay uun agaasimaha Mashruuca Diiwan-Galinta Ciidanku waa Habar jeclo waxay-na isku reer yihiin Wasiiraka. Runtii waa Ayaan-daro Qaran in Muwaadin dal-kiisa iyo dad-kiisa u shaqaynaya oo aan dhibatabo cid-na u gaysan eed looga dhigo Qabiil-kiisa.

Qodabka 2aad Ninka lagu magacaabo C/qaadir Muuse Taydh, oo wasaarada uugu qornaan jiray la-taliyaha Miinada. Sida la wada og-yahay la-taliyaashu waa shaqaalaha aan joog-tada ahayn, masuulka markaa joogana qofka uu is yidhaahdo kaas ayaa shaqada ku haboon isaga ayaa cugta, waana wax iska caadi ah aynu wada og-nahay, haddaan u noqdo cidda lagu bedelay waxaa lagu bedelaya FOOSIYA DAAHIR, oo beel ahaan ka soo jeeda Beesha Subeer Awal/ CIISE MUUSE. Taana waxaa u arkaa laba qof oo isku beel ah oo laysku bedelay, haddii aan Beesha Ciise muuse laga saaray Subeer Awalka buuga dambe halagu cadeeyo.

Qodobka 3aad Shirkada dhismaha ee Quruxshiil ee dhismaha ka waday Wasaaradda waa shirkad ka mid ah shirkadaha ka hawl gala dalka Sabab u diidaysa in ay Wasaaradda dhisaana anigu ma garanayo eedo kale oo loo hayana laguma caddayn buuga, oo aan ahayn waxay ka soo jeedaa beesha Garxejis/Ciidagale.

Qodabka 4aad Shirkada qaadatay qandaraaska software ka iyo Servaras-ka Beeshu waxay ku sheegtay inay yihiin Garxajis gaar ahaan Ciidagale sidoo kale waxay ku eedaysay ina aan la aamini karin maadama ay xidhiidh la leeyihiin gabadh lagu sheegay in ay la-taliye u tahay Madaxwayne xasan sheikh oo ay mashruucan diiwan-galintana shuraako kula tahay.
Ugu horayn dad muslim ah ayaynu nahay masabid-kuna waa wax ilaahay caayay, beel dhan oo been isku raacdayna waxaa kolay denbigaa qaadanaya badan-kiisa ka beenta u soo waariday balse waxaan halakan kuga cadaynayaa beesha beenta loo soo dhibay iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland in shirkadani ay tahay shirkad muwaadin reer Somalilander ahi leeyihiin, mashariica badan hore dalka uga fulisay, xogogaal Ahaana maadama oo aan joogay bilowgii ilaa iyo manta shirkadu sidii ugu fiicnayd ayay shaqadda u qabatay.

Waxaan ogahay hadii Wasaardaha iyo Hayadaha dawlada ee Buuga lagu xusay mid walba ka soo hadli lahayd inta Buuga ka qusaysa runtii wax badan ayaa Bulshadu ogaan lahayd. Waliba Beesha Buuga qortay ayaa baaqi lagu yeelan lahaa.

*N.B Runtu Beenta Waw Cadaw.
Abdi-Shotaly
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...