Maxay Kala Qabteen Waddani Iyo Qudhmiye Q.1aad ( Abdi-Shotaly).

Tuesday August 19, 2025 - 15:05:20
hadhwanaagnews
* Qof Dhoohan Iyo Lax Dhukani Mid-na Dhego Ma Laha.

Halkan waxan ku soo gudbinayaa maqaal 2ba qaybood ka kooban, ka hore waa wax qabadkii 2da askari, qaybta 2aad ee berina waa maamulkan " Wadda-Jir Iyo Wax Qabad, ee si wacan u dhamayso, si ay wax kuugu kala cadaadaan.

Akhristaw haddii wax la isu qirayo oo aan baroorta iyo beenta iyo iyo xoolo cir-doonka aan sal iyo raad lahayn oo aan lagu qarinayn xaqiiq-dda ina hor taalla, ma jirto haba-yaraatee wax uu maamulkii 2da askari ee qudhmiye ay qabteen, haddii uu qof hayo ha soo sheego meel ay irbad dun ka geliyeen, oo aan ahayn sidan hoos ku qoran, oo si cad hawgu qeexo ummadda way u fadhidaaye.

Hees uu sameeyey Abwan bees, oo ay qaaday " Ugabaad Aragsan" Wakhtig ololahii doorshadda,baa waxa murti-deedda ka mid ahaa:-

* (1) " 7 Sano ood hor joogtay, wax qabad lagu soo hirtiyo, hal erey ood ku faanto, markaad heli wayday yaabka, humaag been aad abuurtay, mar baad horror guud ka fuushay, dhiiqaad ka dhex heestay maalmo, gucliyo orod wuu hadh beelay, hal-koorkii maad dhegaysan, markuu dadku kugu hungoobay. Ayaad hayba gaar u soocday, hurin-ba gaar baad u saartay, walaallo dhabaa is hiifay,

Dhex-taal ay u ahayd : ummadu hadda kuuma jeedo, is-bedel loo wadda hayaamay, ka guure halkaad ogaydee ( waa Qudhmiye'e) Hogaan-kuun noo wareeji, huleel cod-ba kuuma haynee.

* (2) Hankiyo rajaddii dad-keenu, kun jeer bay halis galeene, hadaan hadaf-kaagu maal, hantiyo dhul baloodh ahayn, bulshadda hiil ka sugeysay, habeen badh ma weerar-teene, hooyadda baas kuma furteene intaad beero haybi-naysay, ku haystay maati buuro, dalkii baad gebi hilmaantay, badh baad goboldii halaysay, hanann-kiyo hayba-deenii qabkii shacabkaa hagoogtay,, waa qaran oog ku heermay. Waxa raacsan dhex-taalka aan sare ku qoran, sidaas awgeed ruuxa leh waa wax kama jiraanaw, bal sheeg waxa aad ku beeni-naysid, iyaba waa yaabe.

Horaa loo yidhi " Qof dhoohan Iyo Lax Dhukani Mid-na dhego malaha'e" Muwaadin hees-tani waa qiraal waadix ah, hadaan indha isku qabasho iyo xoolihii aanu cuni jirney ahayn baa layga jaray, ilayn kursiga aabihiin kama aydin dhaxline.
Markaas baad weliba ciiro iyo siigo leh boodh ku soo gabanay-saan ay munaafaqadi ku hoos jirto, aad la wareegay-saan oo doonaysaan in aad isku qarin-saan wax aan meela daliil loogu haynin.

* Waxa kaliya ee loo tirayaa maamulkii 2da askari, waxay ahayd " Tallo-ba canaadka baan ka aqaan, been iyo CIRRAA ciidan ka keenay xamar u isagu lacagta siiyo, isku dir, kala dil, kala qaybi oo xukun, isu-bahalo geli, iska hor keen, kala eri oo yey is-aaminin, dhul boob, xatooyo si joogto ah laga buux-saday hantiddii ummadda, dalka si wacaa looga shaqaystay, lagana fara qabsaday xoolohii ummadda iyaka oo ummadu silic, haraad, gaajo ay ku baadhay, weliba iyadda oo sidaas ah ay ahayd, baa misna imika beerka dhulka lala dhacayaa, oo oohinta ilamadda yaxaaska lala qubayaa. Waxaas oo dhami wax kale u dhici maayaan ee waa wixii aanu baranay ee xaaraanta ahaa maxaa nalooga jaray, ummad yahay, halkii ay iskula yaabi lahaayeen, ee ay dib u fadhiisan lahaayeen, bay weliba iyakii soo fardo cad yihiin. Waxan ku soo xidhay qaybtan 1aad, dib loo heli maayo wixii la idiin xadi jirey, bal cirka soo dumiya hadaad wax isla haysaan, ma jirto qudhmiye xukunka dib ugu soo noqonayaa, weli-ba haday wax idiin tarayso Jabhaddii keega ee " Deeqa-Afro " Dib u soo bilaaba bal waxaad ku qaadaan, maanta maaha wakhtiggii " Maryo-Allool.

La Soco Q.2aad.

* Qof Dhoohan Iyo Lax Dhukani Mid-na Dhego Ma Laha.


Qore:- Abdi-Shotaly <[email protected]>

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...