hadhwanaagnews

Magaalada Baligubadle ayaa lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo lagu xusay xuska qaran ee 18-ka May, iyadoo ay ka qayb galeen ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaybaha bulshada.
Ciidamada kala duwan ee JSL ayaa dhoolatus iyo gaaddo-ka-cayaar ku soo bandhigay munaasibadda, iyaga oo muujiyay diyaar-garowgooda, awooddooda iyo doorka ay ku leeyihiin ilaalinta amniga iyo qarannimada Somaliland.
Dabaal-degga xuska 18-ka May ee Baligubadle ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay masuuliyiin, madax-dhaqameed, haween, dhallinyaro iyo shacabka magaalada, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay taageeradooda munaasibadda qaran.
Munaasibadda ayaa ahayd mid si weyn looga dareemay magaalada, iyadoo shacabka iyo ciidamada kala duwan ay si wadajir ah ugu dabaal-degeen sannad-guurada dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |