* N.B Qof Gala Bad-Weyn Isagoon Dabaal Baran, Biyahuu Ku Raftaa.
* Askariga:- Trump waxan ku idhi, heshiin maayaan qudhmiye, oo 2-ba garab oo beello ah bay u kala fadhiyaan, aniga bay igu heshiin karaan in aan dib isu soo sharaxo, ee ha "Ictiraafin" S/Land intaan dib u soo noqonaayo, haddii kale aniga, Al-Shababland iyo jabuuti ma jiri doonaan, ee waa in aad i sugtaa, dagaal baan ku qabsanayaa, 34 sano baanu sidaa ku wadnay, imika-se si aad u xun baanu u kashifanay oo naloo garaacay, dagaal iyo wareerin baanu ku ridaynaa, aan hoosta ka wado'e, ha iga deg-degin ee i sug baan u sheegay, Mr Donald Trump, umase malay-naayo in uu keligay iga yeeli doono, haddii aynaan is garabsan.
* Xasan Guur-Guurte:- Hadaad tahay Madax-weynha USA, waan ku baryayaa, oo cagaha baan ku haystaa ee ha aqoonsan S/Land, Al-shabab baa na qabsanaysee, oo sidaas ha saymayn, waanu baaba'aynaaye, minfad-ladak naga qalee, oo jooji " Ictiraafka". Waa in aan dhamaan isugu oo dagaal adah isku hor taagnaa arintan haddii kale mid-keena jiri maayo.
* Donald Trump:- Anigu idin ma aqaan, haddii aad tihiin Askariga S/Land hor joogaha ka ahaan jirey, lyo kaagan Villa Somaliya aan xukumin, meel kale iska daaye xataa "Xamar" hore baad wakhtiga uga lumiseen reer S/Land, iyo USA oo dhaqaalihii aan Aragi-xisadda ugu tallo galay aad jeebka ku shubatay, sidaas awgeed, waan kaa jaray dhaqaalihii amniga aanu ku bixin jirney, ee aad kala xadi jirteen.
*Ina Cumar Geelle:- Aniga maantay iigu daran tahay, oo jabuuti dib-dambe loo maqli-maayo, arag-na hadal-kiisa daaba haddii laygu " Ictiraafo " S/Land, taas oo hoogayga ah. Waxan ka codsanayaa Askariggii iyo Guuri-Guurtihii inan-taydda isi siiyey, in aad ka dagaalan-taan waxa uu wado Donald Trump, waayo waxan ku noolahay Dekedaas oo keliya, sidaas awgeed haddii la aqoon-sado S/Land meesha waxa ka baxaya "Dekedda Jabuuti" oo bakhtiga baa noo xalaal noqonaaya, Askari-guna dib xukunka hawgu soo noqdo, si uu u burburiyo, maamulka daacadda ah u ah dad-kiisa ee inaga dhex kacay, tallo kale ma leh ee waa inoo dagaal soyaasadeed iyo mid ciidan-ba. Waayo wax-ba inooma hadhin kale oo aynu sii eeganaa.
* N.B Qof Gala Bad-Weyn Isagoon Dabaal Baran, Biyahuu Ku Raftaa.
Abdi-Shotaly.