* N.B Sabeeye Iyo Deeqa-Afro Waa Cuqdad Ku Nool.
Aduun waa wareeroo War iyo sheekaa ka hadha, waxa wacan in qofka ama koox-dda rabta in cabato, ay is waydiiso su'aalahan soo socdda ee kala ah: -
(1) Maxaa kaa maqana ee aad raadinaysaa?
(2) Miyaa lagu dulmiyey?
(3) Xoolo iyo hanti aad leedahay baa lagaa dhacay?
(4) Ma xaq daraad tirsanaysaa?
( 5) Maxaad ku dalaamaysaa?
(6) Ma cid baa kugu soo duushay,?
(7) Ma reer baa wax ku sameeyey?
(8) Ma maamul bay wax tirsana-yaan?
(9) Ma sad-bursiinyey rabaan?
(10) Ma waxay gaar u leeyihiin bay s/land ay tahay?
(11) ma wax aan jirin bay ku raad gadanayaan?
(12) Ma cuqdad ay ka qabaan baa ku keliftay sidan?
(13) Maxay ku salaysan tahay baqdinta haysaa?
(14) Maxaa Maayar Abdikariim Ahmed Mooge ay ugu maran yihiin?
(15) Maayarka ma reer bay ka urinayaan?
Bal ummad yahay idinku af-garta oo sheega " Sabeeye iyo Deeqa Afro" Waxay la bac-bac leedahay ee ka maqan, gar waa loo wadda islaame.Markaad Illaahay hortii runta ka sheegto, ee aanay reer hebel kugu marnayn, xaqiiq-da is taab-siiso, waxay waxaas oo dhami u dhacayaan, wax kale maaha ee waa " Kursiggii baa lanaka helay" Bal waa-yahaye maAduun waa wareeroo War iyo sheekaa ka hadha, waxa wacan in qofka ama koox-dda rabta in cabato, ay is waydiiso su'aalahan soo socdda ee kala ah: -
(1) Maxaa kaa maqana ee aad raadinaysaa?
(2) Miyaa kagu dulmiyey?
(3) Xoolo iyo hanti aad leedahay baa lagaa dhacay?
(4) Ma xaq daraad tirsanaysaa?
( 5) Maxaad ku dalaamaysaa?
(6) Ma cid baa kugu soo duudhay,?
(7) Ma reer baa wax ku sameeyey?
(8) Ma maamul bay wax tirsana-yaan?
(9) Ma sad-bursiinyey rabaan?
(10) Ma waxay gaar u leeyihiin bay s/land tahay?
(11) Wax aan jirin bay ku raad gadanayaan?
(12) Ma cuqdad ay ka qabaan baa ku keliftay sidan?
(13) Maxay ku salaysan tahay baqdinta haysaa?
(14) Maxaa Maayar Abdikariim Ahmed Mooge ay ugu maran yihiin?
(15) Maayarka ma reer bay ka urinayaan?
Bal ummad yahay idinku af-garta oo sheega " Deeqa Afro" Waxay la bac-bac leedahay ee ka maqan, gar waa loo wadda islaame.Markaad Illaahay hortii runta ka sheegto, ee aanay reer hebel kugu marnayn, xaqiiq-da is taab-siiso, waxay waxaas oo dhami u dhacayaan, wax kale maaha ee waa " Kursiggii baa lanaka helay" Bal waa-yahaye ma iyakaa dhaxal gaar ah loo siiyey maamulka dalka? Miyaanu kursigu dadka wadda lahayn? Dhex oolin? oo loo sinayn? Maxay beerka dhulka lala dhacayo? Jawaabtu waxay weeye, ma jirto hanti, cirdi iyo dhul ay difaaca-yaane,wixii la raqi jirey baa la waayey, taas baana keentay hoogay iyo ba'ay-da shaaric-yadda lala soogan yahay. MAAYAR MOOGANA reer baa laga urinayaa ee wax intaa dhaama ha la yimaadeen " Sabeeya iyo Deeqa Afro".
Akhristaw maah-maah somaaliyeed baa waxay ahayd " Inta aanad wax samayn iska sii fiiri" In aad xaq u leedahay iyo in kale waxaad ku kacayso. Aan dib ugu soo noqdo bal Kooxdan " Deeqa-Afro iyo ka hor kacaaya Ee suldaan ku sheega ah " la yidhaahaa ee ay hogaamiyaan " Denbi Madaw " Wuxu isu bixiyey " Bad madawe" Ninka la yidhaaho " Quud Weerar, ma idin la tahay in ay jiraan wax ka turjumaaya su'aalaha sare ku qoran iyo qaar kaloo badan bay baadi-doonayaan oo xaq daro ay u haystaan? Waxa la yidhi " Kor waayeel waa wadda indho'e" Maxay ku fadhidaa ujeedadda loo sameeyey? Ee kelifay abuurista "Deeqa Afro"? Jawaabta oo kooban, iyaba waa yaabe waxay ku andacoodeen waxan difaacaynaa " Cirdiga-yagga, hantida-yagga, dhulka-yagga iyo nafta-yagga" Bal is weydiiya oo miyaad arag-teen " Reer, uu maamulku ku duulay ama cid wax laga qaadayo ay leeyihiin haday tahay reer, koox ama qof-ba. Naxay la qaylina-yaan? Yaa wax ka qaaday ee ay wax ka sheegana-yaan? Ma jirto ee waa Cuqdaddii ay qabeen oo hadlaysa".
Waxa la yidhi " Inta aanad gole iman baa Gar-taadda debedda lagu soo akhristaa" oo la iska hubiyaa in aad waxa aad doonayso aad xaq u leedahay iyo in kale. Gar Allay taqaanaa, markaan soo koobo, dhamaan su'laaha kor ku yaal iyo kuwo kale oo aad is waydiin karto, mid-na meesha ma taallo. Weli may odhan waxaas baa nalaku sameeyey, sidda waa nala dhacay, hanti baa nalaka qaaday, waa nala laayey, xaq aanu lahayn baa la duusiyey, reer baa nagu soo duulay, maamulka ayaa nalaka qadiyey. Haba-yaraatee ma jirto wax ay sheeg-teen oo laga daw mariyaa, ee sidaan sare ku qeexay waa " Kursiggii" Baa nagala helay. Waxan ku soo dabray qoraalkan oo aad ku ab-shirtaan, Madax-weynihii iyo Maayar-kiiba la idinka qaad, dib-na u urin maysaan, ee bal cirka soo gujiya, oo waxad haysaan soo daaya, hadal isaga baa iska badane.
* N.B Sabeeye Iyo Deeqa-Afro Waa Cuqdad Ku Nool.
Abdi-Shotaly.