Dukaanka Iibinta Maskaxdda( Abdi-Shotaly).

Monday September 08, 2025 - 11:17:33
hadhwanaagnews
* N.B Naxliggii Illaah Naga Dul-Qaad, Iyo Naylo Jaliyiiye!


Ummad yahay " Maskaxdda miyaa la iibsan karaa" Waxan dhegaystay waraysi laga qaaday askariggii " Raggii Ma Adigaa Hadhay" Iyaba waa yaabe, shakhsi-gaas aynu wuxu ahaa si wacan u wadda garanayno, oo leh waxan ahaa jirey Madax-weyne, hadaba, siduu u dhamaa waraysi-gaasi waxan ka waayey erey qudha oo aan ka qoro, hadaan maskax aqooneed, garasho aan u iibin karaayo, waan u soo iibin lahaa kharash kasta oo ay igu tegayso-ba. Akhristaw sidda ku qoran cinwaanka sare ee maqaalkan. Qof kastaa wuxu ku dhaqmaa heerka aqoon-tiisa maskaxeed tahay, ee bal ila akhri sheekadan oo aan akhriyey 1983kii aniga oo Sacuudiga jooga, taas oo ay daabacday jariiradda loo yaqaan " AL-AHRAM" ee ka soo baxdda dalka Masar, waana tane iga hoo:-

* Nin Maskax doonaaya in uu iibsado baa soo galay dukaan ay ku qoran tahay " DUKAANKA IIBINTA Maskaxdda" Oo Qaahira badhtan-keedda ku yaala.

* Ninkii dukaan lahaa:- Baa ku yidhi ninkii u soo galay " Maxaad rabtay?"
*Maskax Doon:- baa ku jawaabay, waxan raba in aan iibsado maskax.
*Dukaan Lihii:- Waxa aan hayaa maskaxo aqooni ka buuxdo oo fara badan oo kala gedisan iyo mid madhan, ee tee baan kaa iibiyaa?

*Maskax Doon:- Baa yidhi maxay kala yihiin?
*Dukaan Lihii:- Wuxu maskax hayey oo dhan buu u kala sheeg-sheegay, ku yidhi waxan hayaa oo aan iibiyaa,
*Maskax cimiga sayniska kala duwan, mid professor, mid injineer, maskaxdda farsamadda gacanta, ta cilmiga dhirta, ta badda, ta wax soo saarka, ta askarigi-nimadda iyo sidda jeneraalka doonaaya in uu keliggii taliye noqdo, ta beeraha, ta soo saaridda khayraadka dabeeciga ah, sidda baatroolka iyo macdamaha,sidda dakabka, ta ganacsiga, ta caafimaadka iyo daawooyinka, ta siyaasadda,ta xisaabaadka, cilmiga nolosha, ta xayawaan iyo xoolaha, cilmiga hawadda iyo qaar kaloo ciidaas ka badan, ee tee baan kaa iibiyaa oo ku anfacaysa? Tee baad-se baratay ama taqaan? Bal mid sheego.
*Maskax Doon:- Aniga maskaxdda askariga iga iibi.

Dukaan Lihii:- Taas way madhantay ee maxaad ku falaysaa?

*Maskax Doon:- Aniga maskax-daydu waa faaruq, oo waxan bartay oo keliya, horay-soco, dib-u-jeeso, dig, debci, digtoonaw. Amar qaado, ee taa askariga keliggii taliyaha madhan iga iibi, si aan dadka ugu idhaaho " DIGTOONAW, DIB-U-JEESO IYO HORAY-SOCO".
*Dukaan Lihii:-Tii buu ka iibiyey,

Maskax Doon:- Isna waa ka qofkii ka soo hor baxa-ba ku yidhaaha " Dib-U-Jeeso Oo Horey-Soco" Ilayn waa meel madhan intaa mooyee aan wax kale aqoone.

Maskax-ddii Maxay Samaysay:-

Waxan ku soo xidhay akhristaw qoraalkan, waa sidda uu askarigu dalkii sare u socday, uu dib ugu celiyey 1994kii halkuu maraayey, ee uu maskax madhan ku maamulay, ee uu inoo yidhi dib uun uga sheekeeya wakhtiggii SNM iyo sheeka-diisii ahayd beri baan xuduudda ka talaabay, taas oo aanu wax-ba ka keenin, cidhibta keliya uu ka tegay-na waa dalkii oo badh la waayey, iyo iska hor-keenka ummaddii is dhashay, oo is nacay, dhul boob, finiikh iyo kibir uu gafuur madhan sare ugu taago, siddii neef geel ah oo dhane ka soo cabay " Ceel-dhanaan.

GABAGABO OO KOOBAN:-

Imika waxay dadku leeyihiin "Al-XAMDULILAAH MASKAXDDII MADHNAYD NA DHAAFTAY", waxa-na ay sare u qaadayaan maansaddii
Qaasim ee uu yidhi ( Pbuh):-

*Niyad baan u ledayaa hurdadada,
*Naasir naxarawe.
*Noolaatay yididii-laddii,
*Naxashka saarayde,
*Nuux-nuux-siggii askariga, ( waa Raggii ma adigaa ka hadhaye).
*Nugul ka soo doogye.
*Nasiib baynu leenahay hadaan,
* Askarigii soo Noqone
*Nasashadda daraadeed baad indhaha,
*Nadarka yaab-taaye.
*Niid baa ka timi xareeddii,
*Naanidda ahayde
*Naxliggii Illaah naga dul-qaad,
*Iyo naylo jaliyiiye,
*Nabsiggii wax
badan laga dhul sugay.
*Ummadi soo gaadhye,
*Wuxuu nacala-qabihii na baday,
*Waa ka noolahaye.
*Saw neecaw macaan iyo nimcadda,
*Lagu nagaan maayo.

* N.B Naxliggii Illaah Naga Dul-Qaad, Iyo Naylo Jaliyiiye!
Abdi-Shotaly.⅕
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...