Yaa Laayey Dadka Reer Awdal ( Abdi-Shotaly).

Wednesday December 10, 2025 - 14:35:09
HADHWANAAGNEWS
*Tallo Xumo Nin Tashaday Isagaa Is Tafaafulay.

"Runtu fanto maaha" Ee waxa jira, siday wax u dhaceen,iyo cidda ka dambaysay haddii ka sheego ma aduunka baa rogmaaya. Hadaba akhristaw Marka ummad iska degan oo aan bello iyo dhibaato haynin ay in yar oo dan gaara lihi ay doonayso in ay ku fushato arimaheedda, waxay u bahallo geliyaan deris-koodda, oo ay isku diraan, si ay u baabi'iyaan oo ay isugu rogmadaan, taas oo u hir-gelinaysa waxa ay wataan ee u gaarka ah, aan idiin bilaabo'e ku soo dhawaadda waa tan runtiiye oo aan biyo is marine, waxana khasaara-haas dhig 3 kooxood oo is biirsaday.

(1) Waxa ugu horeeya Maamulka Al-Shababland waa kaa aad ugu yeedhaan ( Somalia), waxay u soo direen 45 niman toos wax toogta, waxa afka Ingiriisiga ah la yidhaahaa " Snippers" waa dad loogu taba-baray in ay si qarsoodi ah wax u dilaan, waxana soo direy Al-Shababland, waxay tahay cadayntu, nin la magacaabo " Xuub-Caaro" ama ( Fiqi) oo ka ah wasiir-ku-sheega gaashaan-dhiga maamulka sare aan ku soo qorey ( Waa Al-Shabaabland), baa hubka iyo kharashka soo bixiyey, kuna yidhi siddii Laascaanood wax u dila, si ay shicibku u kacaan, waana maqlayseen in uu hambaliyo iyo gobaadin la barbar taagnaa kuwii wax dilaayey.

(2) Qaybta 3aad waxa weeye qaar qurbaha jooga oo dheregu iyo barwaaqadda ay ku jiraan ay dhib ku nowotay, kuwaas oo ku dhered-dhacsanaaya dadka masaakiinta ay ee la dagaalamaaya nolol maalmeed-koodda, iyaku ma soo gelayaan dagaalka, kagana dhiman maayaan caruur, hooyooyin, iyo maato, oo qurbaha bay Bunka ku cabaan, kuwaas waxa la yidhaahaa oo ay ugu magac dareen " Awdal State" waxay dadka reer Awdal ku khiyaameeyaan, waa laifin gumaystaa ee siddii Laascaanood sameeya, taas oo aan ka dhici karin Awdal, waana kuwo ay ku adeegtaan maamulka Xamar ee Al-Shabaabland, waxana u daliil ah, markii uu is taagay dagaalkii Boorame hadalkii uu yidhi "Mr Xuub-Caaro (Fiqi)" ee ahaa halgankii mi intaas yar baad ku fufuday-seen, in aad sii wadaan bay ahayd. Waxa ku dhintay ugu yaraan dad gaadhaaya 25-30, waxa ku dhaawacmay 80-85, waxa iska burburiyeen dhamaan goobohii ganacsiga, biyaha, laydhka iyo qaar kaloo la mid ah, waxa gebi haanba istaagay isu-socodkii gobolka Awdal, waxa la jejebiyey xarumihii dawladda, imika bay garanayaan Reer Awdal in la khalday. Gadabuursi cidna wax ma yeelin ee isaga baa wax is-yeelay.

(3) Qaybta 3aad waxa weeye dhalin-yaro uu durbaan haraggii ka qoyey oo been guur ah u graacay Nin waalan oo ku nool dalka Kenedda ( Canada), waa nin ay wax ka si yihiin oo la yidhaaho Xaamud Cali Cilmi, qof caadiya maaha, mana garanaayo waxa uu samaynayaa cidhibta ay ku yeelan doonto aakhirka, wuxu sidaayaa barnaamijyo uu ku dagaal gelinaayo dadka da'dda yar, dhalinta iyo wax na kasta iska xamaasha. Wuxu ka dhaadhiciyaa Isaaq baa idin gumaysta ee iska dhiciya, Ciisaa dhul-kiinii idinka qaadaya ee iska dhiciya, waxa boorame loo duminayaa waa beentaas ay wadaan waxan la kala yodhaaho Al-Shababland iyo Awdal State, nasiib wanaagse maanta reer awdal way ogaadeen xaqiiqdu waxay tahay.

Waxan ku soo koobay maqaalkan, oo aan u sheegayaa reer awdal, boorame ka gubi maysaan Isaaq iyo Ciise, Saylacna wax-ba may gaadhin, Ciisana Wax-ba kama dhiman, waa samaroon inta is dhishay, ee burburiyey magaaladdii ay lahaayeen, bal yaad ka burburins-seen ee idinku haystay boorame, ma jirto cid ama qabiil idinku haystay, ee waxad maqasheen kuwo ku duulaan ah in aad is dishaan idinku waayo waxad fulinsysaan danahoodda gaarka ah, waxan ku soo xidhay ugu dambayn, imika wixii dhacay-ba way dhaceen, aragtana in aad idinku wax is-yeesheen, keenteen dhimasho iyo dhaawac- burbur hantiyeed iyo dhaqaale intaba, waxa ku soo af-jaray maqaalka, khasaare muu gaadhin Ciise iyo Isaaq mid-na ee idinka baa isu geystay waxa idin gaadhay, kuwa idiin durbaan tumayaa oo ah " Al-shababland iyo Awdal State " meel idin gayn maayaan, ee waxay ka talinayaan baaba'iina, waayo waayo iyaka waxa ugu jira faa'iido. Sidaas awgeed, mar dambe yaanay dhicin waxa aad disheen ubad-kiinii, ee aad isaga burburi-seen dhul-kiinii, kuwii idiin baaqaayey, ma idiin soo noolaynayaan wixii ay idinka dileen, jawaabtu waa maya.

*Tallo Xumo Nin Tashaday Isagaa Is Tafaafulay.

Abdi-Shotaly
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...