*N.B Hadal Waa Run Kama Rayste, Ee Beenay Nasiibkaa!
Waxa si weyn uga codsanayaa akhrista-yaasha in dhamays-taan maqaalkan dheer, taas oo uu ku ogaan doono wax-yaabo ka dedednaa, waana kan ee iga qabta:-
Akhristaw, imika mudo 7 cisho ah, waxan waday wixii aan kala kulmay S/Land, haddii ay dad ahaan tahay, nolosha xasaasiga, sidda muceeshadda, daawooyinka, shaqadda iyo qaybaha ay bulshadu u kalka baxday, iyadda oo maamulkii meesha ka tegay uu qaybo u kala soocay, taas oo uu u kala saaray 3 qaybood,oo mid-ba ka kale uu sii bakhti-wareemaayo, waxana ay kala yihiin sidatan:-
(1) Ganacsato dhiig miirad ah, qaybtan waxa ka mid kuwa is-gaadhsiinta ee SOMTEL, TELESOM, ina Aw Saciid, kuwa wershadaha laydhka leh, iyo wax soo saarka iyo qaar kaloo badan, oo iyana raashinka keena, oo aan cid-na naf u hayn, oo xundhurta ka xoqonaaya, maamulkii meesha ka tegay-na uu lacag uun ka guran jirey, laakiin aa. Dalka iyo dadka mid-na aan naf u hayn ee ka shaqaysan kuwaas oo dhamaan-tood gacanta ku hayyey qandaraas kasta oo ka soo baxay, iyadda oo uu maamulkii askarigu uu qayb ku lahaa ( share holder), ummadda waxa loo keenaana ay tahay wax dhacay haday yihiin raashin iyo dawo-ba, weliba ay ummadda u sii sheer tahay socir-barar xadh-kaha goostay,
(2) Qaar siyaasiyiin sheegta, oo iyaku af-miishaarnimo ku dilaalla jirey maamulkii dhacay, iyana ah calooshood u shaqsusta-yaal ka faa'iidda isku dirka ummadda iyo kolba waxa taagan, kuwaas oo meela-haas ka makara-foonka la wareega, kolba-na xubi u wareega, ujeedo kale aan lahay ee ah xil Iyo Xoollo doon, waa kuwo afkii ka waynaaday, oo xaal-koodu yahay maxaanu cunaa, maxaanu liqnaa, maxaanu dhuunta marina,, qaar-kood waa kuwii uu maamulkii laba askari ay i fureen " Ururadda" ee dhacay, ilayn askartii baa dabadda ka waday si ay ugu wax yeeleeyaan " Waddani", imikana hudheeladda Hargeysa kaafiga ku caba ( coffee drinking), waxay isku maaweeliyaan in ay yihiin qaar bello ka dhacday, oo markay wax-yar oo basiid ah arkaan bay qayllo ka wadhaan si loo yidhaaho " Siyaasi Hebel baa wax sheegay" kuwaasina waa noocaa.
(3) Qaybtani iyana waa qaar ku noolaa maamulkii meesha laga eryey, oo nooc walba leh, wax ku jira Kuwo sita cumaamado sidda
(a) " Sabeeye, Denbi Madaw, Maki xaaji Banaadir, shaydaan Habaar, Suldaan qabiile, Gudi Baasto oo reer kasta hir boodaysa.
(b) Shaqaalihii dawladda oo ay qaar-kood ama intooddii badnayd ( waa maamulkii askarta'e) ay isku hakayn waxay doonaan kacayeen, imika-se shaqaala-haas waa laga raystay intii uu maamul-kani yimi, oo way baqaan, waayo musuqii xadh-kaha goostay ee ay ku takri'-falayeen hantidda ummadda baa mersha ja baxay, oo la xadiday.
(C) waxa jirta qayb laga jaray wixii ay u barteen oo ay welfeen, kuwaas oo keli ku ahaa in lagu naas-nuujiyo hantidda ummadda, si ay been ugu taageeraan, akhristaw noocii cayn-kaas ahaa waa kuwa dariiq-yadda Hargeysa taayiradda ku guba, markay waayeen wixii ay ka heli jireen maamulkii laga adkaaday, waxana ay weli isku deyayaan, in ay hab qabiilku turjumaan, oo yidhaahaan reer baa loo jeedaa, taas oo wax jira aan ahayn, laakiin af-gobaadsi ah, xaqiiq-duna ay tahay, in reerka ay doonayaan in ay magaciisa ku helaaan wixii laga jaray, laakiin-se uu maamul-kanyahay reerka ugu badsaday dhanka dawladan Cusub.waxay-se rabaan malaha wax ku kiciya maamuljan oo mijo xaabiya, iyaka oo koox yar ah, kana dambeeyo askariggii meesha khasbka lagaga qaaday.
Ugu Danbayn Iyo "Gebo-Geboddii"
Waxan kula dardaarmayaa Maamulka Cusub ee ay Hogaaminayaan " Gudoomiye Walaaleeye ( Waa Xirsiye) iyo Madax-Weyne Cirro" inkasta oo meel faaruq ah, la dhacay iyo amaaho aan xad lahayn la idin-kaga tegay, oo xafiisyo bilaa kurassi ah la idinku wareejiyey, hadana ilaa imika si wacan oo wax-tar leh baad wax u Wadaan, oo miyir qabta wixii aan ku qancayn ee aan kelgay noolaado ahi waa yeelja-dood, waxa-se imika idiin yaala dhawr arimood oo ay tahay si dhakhso ah wax uga qab-taan. Waxan ku dabarayaa maqaalkan siddan:-
Waxa la yidhi " Dhicisku inta birta inta birta loo soo sidoo buu bakhtiyaaye"
Waa in aad deg-deg wax Uga Qabataan xaajooyinkan hoos Ku Qoran oo aad kaantarooshaan ( Controlling the following points:-
Waa In Loo Sameeyaa Hay'yad Isku-Duba-Ridda Maamulka waxan dadkii ka dhigay in jiifta, dhimatay iyo in aan wax-ba ku noolayn ee kala ah:-
(a) Sicir Bararka,
(b) Laydhka
(c) Biyaha
(d) Raashinka Dhacay Ee La Iibinaayo
(e) Dawooyinka Been Abuurka Ah Ama Dhacay Ee Ummaddii Dhameeyey.
(f) Dalkii oo ay Itoobiya daxal wareejisay, muwaadiniintii oo shaqo la' iyo Oromo iyo Axmaaro ina Qabsatay, iyana waa in uu maamulku si dhakhso ah u faro-geliyaa.
(g) Hay'yadaha sama falka ee loogu tallo galay dan-yarta caawiyaan, iyaka baa xoolaha qaybsadda, mana jirto wax ay qabtaan, iyana waa in arin-toodda si dhab ah ay Xukuumadu u xadaysaa si ay caawimadu u gaadho dadka dhabta ah ee loogu tallo galay.
(h) Waa in la shaqo geliyo dadka u dhashay, oo laga saaraa kuwan ka yimi Itoobiya, waayo haday sidan ku socoto, dhawaan dalku wuxu u gacan gelayaa Itoobia.
(i) Waa in dhalin-yaradda la shaqo geliyo, kuwii jaamacadaha ka baxay baa suuqa taagane.
(j) kuwa ugu daacad--sani Waa haweenka ee waa in laga geliyaa maamulka haddii ay tahay Wasaarad, Hay'yad, wakaalad iyo gudiyadda nooc kasta oo ay tahay-ba.
Waad Mahadsan Tihiin.
*N.B Hadal Waa Run Kama Rayste, Ee Beenay Nasiibkaa!
Abdi-Shotaly.